Khayre oo digniin culus kasoo saaray xiisadda ka taagan Muqdisho
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiRa’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa si kulul uga hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho ee ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Sheekh Shariif.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xasan Cali Khayre ayaa ka digay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda, wuxuuna daan-daansi ku tilmaamay ciidamada la dul-dhigay aagga madaxda mucaaradka.
- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in tallaabooyinkan ay horseedi karaan colaad horleh iyo xasillooni darro ka dhacda gudaha caasimda.
- “Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka.
- Sidoo kale, wuxuu eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay inuu xiiso u qabo dagaal, uuna banneysanayo dhiigga xubnaha mucaaradka, sida uu hadalka u dhigay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ee sababay digniinta Khayre?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa ka digay xiisadda ka taagan Muqdisho ee ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Sheekh Shariif.
- Khayre ayaa ka digay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda, wuxuuna daan-daansi ku tilmaamay ciidamada la dul-dhigay aagga madaxda mucaaradka.
- Sidoo kale, wuxuu eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay inuu xiiso u qabo dagaal, uuna banneysanayo dhiigga xubnaha mucaaradka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul kaga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho ee ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Sheekh Shariif.
Xasan Cali Khayre ayaa ka digay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda, wuxuuna daan-daansi ku tilmaamay ciidamada la dul-dhigay aagga madaxda mucaaradka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in tallaabooyinkan ay horseedi karaan colaad horleh iyo xasillooni darro ka dhacda gudaha caasimda.
“Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka. Tallaabooyinkani waxay abuurayaan jawi colaadeed oo caasimadda dalka u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaaso amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed,” ayuu yiri Khayre.
Sidoo kale, wuxuu eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay inuu xiiso u qabo dagaal, uuna banneysanayo dhiigga xubnaha mucaaradka, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu u oomman yahay dhiig hor leh, kuna hawllan yahay ficillo uu ku banneysanayo dhiigga madaxdii hore, waxaana ummadda Soomaaliyeed si cad u sheegaynaa in Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday uu qaadayo masuuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha tallaabooyinkan,” ayuu sii raaciyay.
Mudane Xasan Cali Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka dhalatay hubanti la’aanta siyaasadeed aan lagu xallin karin awood ciidan, loona baahanyahay in dib loogu laabto miiska wadahadalka, si heshiis siyaasadeed looga gaaro doorashada.
“Awood ciidan iyo cagajugleyn laguma xallin karo xaaladda murugsan ee dalku ku jiro. Dariiqa keliya ee Soomaaliya looga badbaadin karo hubanti la’aanta siyaasadeed waa in dib loogu laabto miiska wadahadalka, si heshiis siyaasadeed looga gaaro doorashada, loona helo dowlad ku timaada hannaan heshiis lagu yahay oo leh sharciyad ay ku hoggaamiso Soomaaliya,” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay ciidamada dowladda iyo kuwa Sheekh Shariif ay ku dhawaadeen inay isku fara-saaraan agagaarka waddada garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaas oo laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, iyadoo labada dhinac ay isu jeediyeen eedeymo culus.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa si kulul uga hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho ee ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Sheekh Shariif.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa ka digay xiisadda ka taagan Muqdisho ee ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Sheekh Shariif.
- Khayre ayaa ka digay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda, wuxuuna daan-daansi ku tilmaamay ciidamada la dul-dhigay aagga madaxda mucaaradka.
- Sidoo kale, wuxuu eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay inuu xiiso u qabo dagaal, uuna banneysanayo dhiigga xubnaha mucaaradka.
- Mudane Xasan Cali Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka dhalatay hubanti la’aanta siyaasadeed aan lagu xallin karin awood ciidan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa hadallada Xasan Cali Khayre iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh ama mas'uuliyiinta dowladda oo ku jira maqaalka.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin gaar ah oo ku saabsan dhacdooyinka la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Digniinaha Xasan Cali Khayre waxay muujinayaan suurtagalnimada in xiisaddu ay sii kordhiso Muqdisho iyadoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ee sababay digniinta Khayre?
- Sidee bay xiisaddu u saameysay nolosha maalinlaha ah ee dadka Muqdisho ku nool?
- Maxay yihiin tallaabooyinka, haddii ay jiraan, ee la qaadayo si loo fududeeyo wadahadalka u dhexeeya dhinacyada isku khilaafsan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · muqdisho · khayre · taagan