Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka socda magaalada Mooyaale iyo nawaaxigeeda, iyadoo xaaladda amni ay sii cakirmayso colaadduna ay ku fidayso deegaanno hor leh.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayWaxaa sidoo kale la soo sheegay in biyaha iyo korontada laga jaray magaalada, arrintaas oo sii adkaynaysa nolol maalmeedka dadka ku haray Mooyaale, gaar ahaan qoysaska aan awoodin inay u guuraan deegaanno ammaan ah.
- Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka Oromia ay saaka waaberigii weerarro cusub ka soo qaadeen jihooyin kala duwan oo gudaha iyo duleedka magaalada ah, taasoo sababtay in dagaalku mar kale sii xoogeysto.
- Iska horimaadyada ayaa la sheegay inay ku fidayaan deegaanno ku dhow Mooyaale iyo goobo horay loogu dagaallamayay, iyadoo aan weli la hayn xog dhammaystiran oo ku saabsan baaxadda dagaalka iyo xaaladda dhinacyada isku haya.
- Wararka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Itoobiya ay qayb ka yihiin dagaalka, isla markaana madaafiic lagu garaacayo guryo ay deggan yihiin dad rayid ah.
Sida ay sheegtay Jowhar
- Waxa weli aan caddayn
- Immisa ayaa hadda ku dhintay dagaalka?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka socda magaalada Mooyaale iyo nawaaxigeeda.
- Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka Oromia ay saaka waaberigii weerarro cusub ka soo qaadeen jihooyin kala duwan.
- Dad rayid ah oo barakacaya iyo adeegyo muhiim ah oo go’ay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka socda magaalada Mooyaale iyo nawaaxigeeda, iyadoo xaaladda amni ay sii cakirmayso, colaadduna ay ku fidayso deegaanno hor leh.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka Oromia ay saaka waaberigii weerarro cusub ka soo qaadeen jihooyin kala duwan oo gudaha iyo duleedka magaalada ah, taasoo sababtay in dagaalku mar kale sii xoogeysto.
Iska horimaadyada ayaa la sheegay inay ku fidayaan deegaanno ku dhow Mooyaale iyo goobo horay loogu dagaallamayay, iyadoo aan weli la hayn xog dhammaystiran oo ku saabsan baaxadda dagaalka iyo xaaladda dhinacyada isku haya.
Wararka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Itoobiya ay qayb ka yihiin dagaalka, isla markaana madaafiic lagu garaacayo guryo ay deggan yihiin dad rayid ah. Hase yeeshee, faahfaahintan weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dad rayid ah oo barakacaya iyo adeegyo muhiim ah oo go’ay
Xaaladda bani’aadantinimo ee magaalada Mooyaale iyo deegaannada ku xeeran ayaa sii adkaanaysa, iyadoo dad badan oo rayid ah ay ka barakacayaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku gaaro xaafadaha ay ku nool yihiin.
Waxaa sidoo kale la soo sheegay in biyaha iyo korontada laga jaray magaalada, arrintaas oo sii adkaynaysa nolol maalmeedka dadka ku haray Mooyaale, gaar ahaan qoysaska aan awoodin inay u guuraan deegaanno ammaan ah.
Go’itaanka adeegyada aasaasiga ah ayaa sare u qaadaya walaaca laga qabo xaaladda dadka rayidka ah, iyadoo ay adkaan karto helitaanka biyo nadiif ah iyo adeegyo kale oo daruuri u ah nolosha bulshada.
Khasaaraha dagaalka oo aan weli la xaqiijin
Ilaa hadda, lama hayo xog rasmi ah oo dhammaystiran oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka maalintii afraad ka socda Mooyaale, iyo sidoo kale baaxadda burburka hantida rayidka ah.
Waxaa jira walaac laga qabo in dagaalku sii fido haddii aan la helin dadaallo lagu dejinayo xaaladda, laguna ilaalinayo dadka rayidka ah.
Xaaladda Mooyaale ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo loo baahan yahay xog dheeraad ah oo laga helo ilo madax-bannaan si loo xaqiijiyo khasaaraha iyo wararka ku saabsan madaafiicda lagu garaacayo goobaha ay dadku deggan yihiin.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka socda magaalada Mooyaale iyo nawaaxigeeda, iyadoo xaaladda amni ay sii cakirmayso colaadduna ay ku fidayso deegaanno hor leh.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka socda magaalada Mooyaale iyo nawaaxigeeda.
- Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka Oromia ay saaka waaberigii weerarro cusub ka soo qaadeen jihooyin kala duwan.
- Dad rayid ah oo barakacaya iyo adeegyo muhiim ah oo go’ay.
- Xaaladda Mooyaale ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo loo baahan yahay xog dheeraad ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo sheegay.
- Ma jiraan xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaaraha ama burburka.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada ku lugta leh dagaalka.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Mooyaale ayaa ah mid khatar ah, iyadoo dagaal socdo iyo walaac bani'aadantinimo jiro.
Waxa weli aan caddayn
- Immisa ayaa hadda ku dhintay dagaalka?
- Maxaa la sameynayaa si loo xalliyo xaaladda bani'aadantinimo?
- Sidee ayay maamulka deegaanka uga jawaabayaan colaadda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · maalintii · afraad · mooyaale
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Dagaal maalintii saddexaad ka socda Mooyaale
Puntland Post
- DAGAAL culus oo ka dhex-qarxay ciidamada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya
Caasimada Online
- Wiil dhalinyaro ah oo hooyadiis ku dilay duleedka Muqdisho
Caasimada Online