Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif, ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Burkina Faso, Yacouba Zabré Gouba, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee dalkaas, Roland Achille Sow. Kulanka uu la yeeshay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi ee dhinaca macdanta iyo […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif, ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Burkina Faso, Yacouba Zabré Gouba, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee dalkaas, Roland Achille Sow.
Kulanka uu la yeeshay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi ee dhinaca macdanta iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka macdanta ee Burkina Faso. Wasiirka ayaa Danjiraha si diirran ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa, isagoo caddeeyay in dowladda Burkina Faso ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u tahay inay fududeyso maalgashiga ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale Danjiraha la wadaagay xog ku saabsan nidaamka ruqsadaha baarista macdanta iyo horumarka laga sameeyay soo saarista dahabka, isagoo xusay in Burkina Faso ay ka mid tahay dalalka ugu wax-soo-saarka badan dahabka ee Afrika.
Dhanka kale, Danjiraha ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso, Roland Achille Sow, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal. Waxyaabaha mudnaanta la siiyay waxaa ka mid ahaa sidii kalluunka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa suuqyada Burkina Faso, arrintaas oo si weyn loo soo dhaweeyay, isla markaana loo arkay fursad kor loogu qaadi karo ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee labada dal.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.