Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Danjire Jaamac oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Mudane Mambila BANSE, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Burkina Faso, iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan karaan

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Mudane Mambila BANSE, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Burkina Faso, iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan karaan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalka Burkina Faso.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Dalka Burkina Faso Mudane Mambila BANSE, ayaa balan qaaday inay diyaar u yihiin soo dhaweynta ganacsatada Soomaaliyeed ee daneyneysa inay maalgashi ku sameystaan dalka Burkina Faso, ayna jiraan shuruuc loo sameeyay dhiirigelinta maalgashiga oo ay ku jirto in Canshuuraha sanadka koowaad maga cafiyo maalgashadaha, isla markaana ay diyaar u yihiin in Soomaalida soo dhaweeyaan si gaar ah.
Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa dhankiisa iftiimiyay in Soomaalidu ay aad ugu wanaagsan yihiin dhinaca ganacsiga, haatanna ay ganacsi xoog leh ku leeyihiin dalal badan oo Afrika ku yaalla.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.