DF oo 100 gawaari milatari ah u dirtay dhanka Buurhakaba
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii in ka badan 100 oo gaari milatari ah u dirtay dhanka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyadoo bilaabaysa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo maleeshiyada Laftagareen.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kaddib markii ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay toddobaadkii hore la wareegeen degmada, ayaga oo gacan ka helaya maleeshiyada Al-Shabaab.
- Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa hore ugu hanjabay inay dib ula wareegi doonaan Buurhakaba iyo magaalooyin kale oo dhowaan gacanta u galay ciidamada Laftagareen, ayna ka adkaan doonaan xoogaggaas.
- Sida warbixintu sheegtay, kolonyada ayaa ka baxday degmada Wanlaweyn, iyadoo sii martay Ballidoogle iyo deegaanka Yaaqbariweyne.
- Gaadiidka waxaa ka mid ahaa baabuurta gaashaaman ee ciidamada qaada, kuwa xamuulka ah ee askarta iyo sahayda sida, iyo gaadiid qoryo lagu rakibay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin howlaha gaarka ah ee milatariga ka fulin doonaan Buurhakaba?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii in ka badan 100 oo gaari milatari ah u dirtay dhanka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
- Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kaddib markii ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay toddobaadkii hore la wareegeen degmada.
- Dad deegaanka ah ayaa sheegay inay aroornimadii Sabtida arkeen kolonyo dheer oo muddo saacado ah ku socotay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii in ka badan 100 oo gaari milatari ah u dirtay dhanka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, ayada oo la billaabayo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo maleeshiyada Lafta-gareen.
Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kaddib markii ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay toddobaadkii hore la wareegeen degmada, ayaga oo gacan ka helaya maleeshiyada Al-Shabaab.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa hore ugu hanjabay inay dib ula wareegi doonaan Buurhakaba iyo magaalooyin kale oo dhowaan gacanta u galay ciidamada Laftagareen, ayna ka adkaan doonaan xoogaggaas.
Sida warbixintu sheegtay, kolonyada ayaa ka baxday degmada Wanlaweyn, iyadoo sii martay Ballidoogle iyo deegaanka Yaaqbariweyne.
Gaadiidka waxaa ka mid ahaa baabuurta gaashaaman ee ciidamada qaada, kuwa xamuulka ah ee askarta iyo sahayda sida, iyo gaadiid qoryo lagu rakibay.
Dad deegaanka ah ayaa sheegay inay aroornimadii Sabtida arkeen kolonyo dheer oo muddo saacado ah ku socotay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Ciidamada dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay ku ururayay waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Wanlaweyn, halkaas oo dhowr jeer ay weerarro kala kulmeen Al-Shabaab.
Warbaahinta ku xiran Al-Shabaab ayaa aroornimadii Sabtida sheegtay in gaari milatari lagu waxyeelleeyay, hal askarina lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay waddada Muqdisho iyo Afgooye. Sheegashadaas ma helin xaqiijin madax-bannaan.
Dowladda federaalka kama aysan hadlin weerarradaas iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada markii warbixinta la daabacay.
Doorka ciidamada Itoobiya
Abaabulkan ciidan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan khilaafaad u dhexeeya dowladda federaalka iyo Itoobiya oo ku saabsan doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalooyinka ay la wareegeen xoogagga Laftagareen.
Ciidamada Itoobiya ayaa horey loogu eedeeyay in ay si ula kac ah u faarjiyeen deegaano ay ku sugnaayeen si ay u fududeeyeen in halkaas ay qabsadaan maleeshiyada Lafta-gareen iyo Al-Shabaab.
Warbixin lagu daabacay Red Sea Axis oo soo xiganayo ilo maxalli ah ayaa sheegaysa in ciidamada Itoobiya ay si kutala-gal ah uga baxeen magaalooyin katirsan gobolka Baay, iyagoo u fududeeyay inay la wareegaan maleeshiyaadka hubeysan.
In Ciidamada Itoobiya ka baxaan saldhigyo markii hore si dhib badan Al-Shabaab looga saaray ayaa warbixintu sheegtay inay tahay arint khatar ah oo wiiqaysa dadaalladii saaxibada caalamka ee taageerada siiya Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-dhiska iyo mlaagelintii dhaqaale ee Midowga Yurub oo tan iyo 2007-dii.
Sidoo kale, warbixinta ayaa iftiimeysay in Imaaraadka Carabta uu ku lug leeyahay dagaalka, uuna maalgelinayo dagaalka Koonfur Gabeed, si usii huriyo colaadda ka taagan halkaasi.
Si kastaba, xog aan helnay ayaa sheegtay in Addis Ababa ay ku adkeysatay in ciidamadeeda ku sugan magaalooyinkaas aysan ku lug yeelan dagaalka, isla markaana aysan la safan dhinacna, inkastoo ay qeyb ka yihiin howlgalka AUSSOM oo ku qasbaya in ay difaacaan dowladda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii in ka badan 100 oo gaari milatari ah u dirtay dhanka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyadoo bilaabaysa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo maleeshiyada Laftagareen. Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kaddib markii ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay la wareegeen degmada.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii in ka badan 100 oo gaari milatari ah u dirtay dhanka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
- Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kaddib markii ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay toddobaadkii hore la wareegeen degmada.
- Dad deegaanka ah ayaa sheegay inay aroornimadii Sabtida arkeen kolonyo dheer oo muddo saacado ah ku socotay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
- Warbaahinta ku xiran Al-Shabaab ayaa aroornimadii Sabtida sheegtay in gaari milatari lagu waxyeelleeyay, hal askarina lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay waddada Muqdisho iyo Afgooye.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka ay soo bandhigtay warbaahinta Al-Shabaab.
- Dowladda federaalka kama aysan hadlin weerarrada la sheegay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay xisaabinta dadka deegaanka iyada oo aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Howlgalada milatari ee dowladda federaalka ee Buurhakaba waxay saameyn ku yeelan karaan khilaafka socda ee Al-Shabaab iyo maleeshiyada deegaanka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin howlaha gaarka ah ee milatariga ka fulin doonaan Buurhakaba?
- Sidee ayay dowladda federaalka uga jawaabi doontaa weerarka la sheegay?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhalan kara ka qaybgalka ciidamada Itoobiya ee xaaladdan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · dirtay · dhanka