DF oo ballan-qaad u sameysay ardaydii kaalmaha hore ka galay tartankii Qatar
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo Tallaabadii xafiiskiisa ku qaabilay saddexda ardey ee kaalmaha hore ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka, oo dhawaan lagu qabtay Dalka Qatar ayaa u sameeyay ballan-qaad culus.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa ballan-qaad culus u sameeyay saddexda ardey ee kaalmaha hore ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee lagu qabtay Qatar.
- Tartankan oo ay ka qeyb galeen 398 arday oo ka kala yimid 20 Dal ayaa waxaa kaalinta 1aad ka galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed ayaa isna galay kaalinta 2aad halka Qaari Cabdiraxmaan Axmed Ma
- Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradan dadaalkooda iyo sida ay Qur’aanka u xafideen, isagoo kula dardaarmay in dadka ay baraan Qur’aanka Kariimka.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo Tallaabadii xafiiskiisa ku qaabilay saddexda ardey ee kaalmaha hore ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka, oo dhawaan lagu qabtay Dalka Qatar ayaa u sameeyay ballan-qaad culus.
Tartankan oo ay ka qeyb galeen 398 arday oo ka kala yimid 20 Dal ayaa waxaa kaalinta 1aad ka galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed ayaa isna galay kaalinta 2aad halka Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud uu galay kaalinta 3aad, waxaana ka qeybgalkooda fududeysay Hay’adda Qatar Charity.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradan dadaalkooda iyo sida ay Qur’aanka u xafideen, isagoo kula dardaarmay in dadka ay baraan Qur’aanka Kariimka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu dhiirri galineyso barashada Qur’aanka Kariimka waxaana uu u ballan-qaaday ardeyda in dowladdu siineyso waxbarasho lacag la’aan ah sidii ay u siisay ardeydii kaalimaha hore ka gashay Imtixaankii Shahaadiga ah.
“Waan idinku faaneynaa haddii aan nahay Madaxda Dowladda, in Tartan dowli ah aad ka gasheen kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad waa arrin wanaagsan oo sharaf iyo Karaamo u ah Bulshada Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada waxaan fari doonaa in Waxbarasho bilaash ah ay idin siiso,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza.
Si kastaba ha’ahaatee, Ballan-qaadkan ayaa ah mid lagu dhiirrigelinayo ardayda Soomaaliyeed ee dadaalka geliya barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka, gaar ahaan kuwa dalka ku metela tartamada caalamiga ah.
Saddexda arday ayaa guushan ku soo kordhiyay sumcad iyo sharaf ay ku faani karaan bulshada Soomaaliyeed, kaddib markii ay kaalimaha hore ka galeen tartan ay ka qeybgaleen arday badan oo ka kala socday dalal kala duwan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto dhiirrigelinta ardayda Soomaaliyeed ee guulaha ka gaara tartamada iyo imtixaannada heer qaran iyo heer caalami.
The post DF oo ballan-qaad u sameysay ardaydii kaalmaha hore ka galay tartankii Qatar appeared first on Caasimada Online .
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ballan-qaad culus u sameeyay saddexda ardey ee kaalmaha hore ka galay tartan Qur’aanka Kariimka oo lagu qabtay Qatar.
Qodobada muhiimka ah
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa ballan-qaad culus u sameeyay saddexda ardey ee kaalmaha hore ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee lagu qabtay Qatar.
- Tartankan oo ay ka qeyb galeen 398 arday oo ka kala yimid 20 Dal ayaa waxaa kaalinta 1aad ka galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen, Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed ayaa isna galay kaalinta 2aad halka Qaari Cabdiraxmaan Axmed Ma
- Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradan dadaalkooda iyo sida ay Qur’aanka u xafideen, isagoo kula dardaarmay in dadka ay baraan Qur’aanka Kariimka.
- Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladdu dhiirri galineyso barashada Qur’aanka Kariimka waxaana uu u ballan-qaaday ardeyda in dowladdu siineyso waxbarasho lacag la’aan ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ardayda ama dhinacyada kale.
- Eedeymaha ku saabsan faahfaahinta tartanka waxay ku tiirsan yihiin kaliya warbixinta maqaalka.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan guulaha ardayda lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Ballan-qaadka Ra’iisul Wasaaraha ee taageerada ardayda guuleysta ee waxbarashada Qur’aanka ayaa muujinaya dadaalka dowladda ee kor u qaadista waxbarashada diinta Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay nooca gaarka ah ee waxbarashada lacag la’aanta ah ee ardayda la siin doono?
- Sidee ayey dowladda u taageeri doontaa kor u qaadista waxbarashada Qur’aanka ee Soomaaliya?
- Waa maxay saameynta ballan-qaadkan ay ku yeelan doonto fursadaha mustaqbalka ee ardayda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qatar · galay · qaad
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Dowladda Soomaaliya oo Bixinaysa Waxbarashada Tacliinta Sare ee Saddexda Arday ee Ku Guuleystay Tartanka Qur’aanka
Goobjoog Somali
- Mareykanka oo $5 Milyan Abaalmarin ah Dul Dhigay Xogta Haweeney Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay inay ka tirsantahay Daacish
Goobjoog Somali
- Dowladda Mareykanka oo mar kale duldhigay $5 milyan oo Doollar xogta haweeney Soomaali ah.
Hiiraanweyn