DF oo ciidamo dajisay duleedka magaalada Baraawe
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor dajisay xero ku taalla duleedka magaalada Baraawe si loo adkeeyo amniga deegaanka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ciidamadan oo ka tirsan Guutada 8-aad ee qaybta 60-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ee qaybta 1-aad ayaa waxaa kormeer ugu tegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud oo u jeediyay dardaaran culus.
- Taliyaha ayaa faray ciidamada inay gutaan waajibaadka qaran ee saaran, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
- Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay in ay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda, kana faa’iideystaan fursad kasta oo ay ku wiiqi karaan awoodda Khawaarijta, kuna sugi karaan amniga deegaannada laga xoreynayo.
- Waxaa kale oo uu ku boorriyey geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, ayna muujiyaan karti, adkaysi iyo waddaniyad, si loo xaqiijiyo himilada ah Soomaaliya nabad ah, ammaan ah, midaysan, kana xor ah Khawaarijta.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadi doonaan Kumaandooska Gorgor si ay u xoojiyaan amniga?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor dajisay xero ku taalla duleedka magaalada Baraawe.
- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kormeer ugu tegay ciidamadan wuxuuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka.
- Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo haatan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ay bilaabeen inay si tartiib tartii uga baxaan gudaha dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baraawe (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadda qorshe ay kula wareegeyso amniga guud ee dalka ayaa haatan ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor dajisay xero ku taalla duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, si ay u adkeeyaan amniga guud ee degmadaasi.
Ciidamadan oo ka tirsan Guutada 8-aad ee qaybta 60-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ee qaybta 1-aad ayaa waxaa kormeer ugu tegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud oo u jeediyay dardaaran culus.
Taliyaha ayaa faray ciidamada inay gutaan waajibaadka qaran ee saaran, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay in ay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda, kana faa’iideystaan fursad kasta oo ay ku wiiqi karaan awoodda Khawaarijta, kuna sugi karaan amniga deegaannada laga xoreynayo.
Waxaa kale oo uu ku boorriyey geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, ayna muujiyaan karti, adkaysi iyo waddaniyad, si loo xaqiijiyo himilada ah Soomaaliya nabad ah, ammaan ah, midaysan, kana xor ah Khawaarijta.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo haatan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ay bilaabeen inay si tartiib tartii uga baxaan gudaha dalka, gaar ahaan saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo Nagaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la filayo inay la wareegaan ciidamo kale oo nabad ilaalin ah, kana socda Ururka Midowga Afrika.
Si kastaba, Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa Al-Shabaab ka qabsaday Baraawe sannadkii 2014. Kooxda ayaa dekedda magaalada u adeegsan jirtay soo gelinta dagaalyahanno iyo hub, iyo dhoofinta dhuxusha oo ay dhaqaale ka heli jirtay.
Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa weli weerarta bartilmaameedyo ciidan iyo kuwo rayid ah, inkastoo ay socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor dajisay xero ku taalla duleedka magaalada Baraawe si loo adkeeyo amniga deegaanka.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor dajisay xero ku taalla duleedka magaalada Baraawe.
- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kormeer ugu tegay ciidamadan wuxuuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka.
- Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo haatan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ay bilaabeen inay si tartiib tartii uga baxaan gudaha dalka.
- Kooxda ayaa dekedda magaalada u adeegsan jirtay soo gelinta dagaalyahanno iyo hub, iyo dhoofinta dhuxusha oo ay dhaqaale ka heli jirtay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dajinta ciidanka.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Al-Shabaab ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ciidanka.
- Maqaalku ma caddeynayo waqtiga ay ciidamada Uganda ka baxayaan.
Gunaanadka akhristaha
Dajinta Ciidamada Gorgor waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo amniga Baraawe iyadoo ay jiraan caqabado joogto ah oo ka imaanaya Al-Shabaab.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadi doonaan Kumaandooska Gorgor si ay u xoojiyaan amniga?
- Sidee ayay ka bixitaanka ciidamada Uganda u saameyn doontaa xaaladda amniga ee Baraawe?
- Maxay yihiin awoodaha hadda ee Al-Shabaab ee gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamo · dajisay · magaalada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada