DFS oo ku dhawaaqday hirgelinta hannaanka tartanka furan ee shaqaalaha dowladda
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa maanta faray dhammaan wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa maanta faray dhammaan wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta oo ku saleysan tartan furan.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda in 20 Sebteembar la bilaabo wajiga 1aad ee dib-u-habaynta shaqaalaha, gaar ahaan xilalka agaasime waaxeedyada oo lagu buuxinayo hannaan tartan furan.
Mudane Xamse ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, islamarkaana dhammaan shaqaalaha la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan shaqooyinka dowladda.
PUNTLAND POST
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dowladda · dhawaaqday · shaqaalaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada