Dhirbaaxo culus oo ku dhacday Giriiga iyo Israa’iil kadib markii Turkiga uu…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiBaarlamaanka Liibiya ayaa aqlabiyad ku ansixiyey heshiiskii xuduudaha badda ee Turkiga iyo Liibiya ay kala saxiixdeen sannadkii 2019-kii, kaas oo loo arko mid xoojinaya mowqifka istaraatiijiga ah ee Turkiga, isla markaana caqabad ku noqon kara danaha Giriiga iyo Israa’iil ee Bariga Mediterranean-ka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayHeshiiska ayaa la saxiixay sannadkii 2019-kii, xilli ciidamada uu hoggaaminayey Janaraal Khaliifa Xaftar ay guluf milatari ku hayeen caasimadda Tripoli, halkaas oo ay fadhiday Dowladda Midnimada Qaran ee Liibiya oo Qaramada Midoobay aqoonsanayd.
- Heshiiskan ayaa dib u soo cusboonaysiinaya muranka muddada dheer ka taagnaa xuduudaha badda, khayraadka tamarta iyo saamaynta juqraafiyeed ee gobolka.
- Giriiga ayaa si adag uga soo horjeestay heshiiska, isaga oo ku doodaya inaan si caddaalad ah loo tixgelin xuquuqda badeed ee jasiiradihiisa.
- Dhanka Israa’iil, heshiiska ayaa saamayn ku yeelan kara qorshayaasha tamarta ee Bariga Mediterranean-ka, halkaas oo ay ku yaallaan goobo gaas dabiici ah oo muhiim u ah dhoofinta tamarta.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Turkiga ka qaadi doono ansixinta heshiiska kadib?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Baarlamaanka Liibiya ayaa aqlabiyad ku ansixiyey heshiiskii xuduudaha badda ee Turkiga iyo Liibiya ay kala saxiixdeen sannadkii 2019-kii.
- Heshiiskan ayaa loo arko mid xoojinaysa mowqifka istaraatiijiga ah ee Ankara, isla markaana caqabad ku noqon karta danaha Giriiga iyo Israa’iil ee Bariga Mediterranean-ka.
- Turkiga ayaa heshiiska u arka mid xoojinaya sheegashadiisa ku aaddan aagagga badda ee uu danaynayo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Tripoli (Caasimada Online) – Baarlamaanka Liibiya ayaa aqlabiyad ku ansixiyey heshiiskii xuduudaha badda ee Turkiga iyo Liibiya ay kala saxiixdeen sannadkii 2019-kii, tallaabadaas oo loo arko mid xoojinaysa mowqifka istaraatiijiga ah ee Ankara, isla markaana caqabad ku noqon karta danaha Giriiga iyo Israa’iil ee Bariga Mediterranean-ka.
Heshiiskan ayaa dib u soo cusboonaysiinaya muranka muddada dheer ka taagnaa xuduudaha badda, khayraadka tamarta iyo saamaynta juqraafiyeed ee gobolka. Turkiga ayaa heshiiska u arka mid xoojinaya sheegashadiisa ku aaddan aagagga badda ee uu danaynayo, halka Giriiga iyo dalal kale ay ka horyimaadeen qodobbadiisa.
Heshiiska ayaa la saxiixay sannadkii 2019-kii, xilli ciidamada uu hoggaaminayey Janaraal Khaliifa Xaftar ay guluf milatari ku hayeen caasimadda Tripoli, halkaas oo ay fadhiday Dowladda Midnimada Qaran ee Liibiya oo Qaramada Midoobay aqoonsanayd. Turkiga ayaa xilligaas taageero milatari siiyey dowladda, taas oo qayb ka ahayd iskaashiga amni iyo siyaasadeed ee labada dhinac.
Giriiga ayaa si adag uga soo horjeestay heshiiska, isaga oo ku doodaya inaan si caddaalad ah loo tixgelin xuquuqda badeed ee jasiiradihiisa. Turkiga iyo Giriiga ayaa muddo dheer isku hayey xuduudaha badda, hawada iyo xuquuqda ka dhalata jasiiradaha ku yaalla Badda Aegean-ka iyo Bariga Mediterranean-ka. Masar ayaa iyaduna iskaashi siyaasadeed iyo mid badeed la samaysay Giriiga, taas oo qayb ka ah loollanka gobolka.
Dhanka Israa’iil, heshiiska ayaa saamayn ku yeelan kara qorshayaasha tamarta ee Bariga Mediterranean-ka, halkaas oo ay ku yaallaan goobo gaas dabiici ah oo muhiim u ah dhoofinta tamarta.
Israa’iil, Giriiga iyo Qubrus ayaa hore u taageeray qorshayaal lagu gaarsiinayo gaaska gobolka suuqyada Yurub, oo uu ka mid yahay mashruuca dhuumaha EastMed, kaas oo la kulmay caqabado siyaasadeed, farsamo iyo dhaqaale.
Turkiga ayaa doonaya inuu noqdo marin muhiim ah oo isku xira ilaha tamarta ee Bariga Dhexe iyo suuqyada Yurub. Ankara waxay heshiiska Liibiya u aragtaa mid xoojinaya booskeeda juqraafiyeed iyo saamaynteeda ku aaddan qorshayaasha tamarta, gaar ahaan haddii la tixgeliyo mashaariicda dhuumaha gaaska ee mari kara aagagga badda ee muranku ka taagan yahay.
Ansixinta heshiiska ayaa sidoo kale imanaysa xilli uu soo dhowaanayo xiriirka Turkiga iyo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Liibiya, oo uu ku jiro maamulka Khaliifa Xaftar.
Turkiga ayaa soo dhaweeyey go’aanka baarlamaanka, kaas oo siinaya heshiiska taageero siyaasadeed oo dheeraad ah, inkasta oo muranka sharci iyo kan siyaasadeed ee ku xeeran aanu dhammaan.
Heshiiska Turkiga iyo Liibiya ayaa sidaas ku sii noqonaya arrin miisaan ku leh loollanka Bariga Mediterranean-ka, kaas oo ku saabsan xuduudaha badda, sahminta shidaalka iyo gaaska, amniga iyo marin-biyoodka.
Si kastaba, ansixinta heshiiskan ayaa dib u soo noolaynaysa khilaafaadka gobolka, iyadoo Turkigu doonayo inuu xoojiyo saamayntiisa, halka Giriiga iyo Israa’iil ay danaynayaan ilaalinta danahooda badeed iyo qorshayaashooda tamareed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Baarlamaanka Liibiya ayaa aqlabiyad ku ansixiyey heshiiskii xuduudaha badda ee Turkiga iyo Liibiya ay kala saxiixdeen sannadkii 2019-kii, kaas oo loo arko mid xoojinaya mowqifka istaraatiijiga ah ee Turkiga, isla markaana caqabad ku noqon kara danaha Giriiga iyo Israa’iil ee Bariga Mediterranean-ka.
Qodobada muhiimka ah
- Baarlamaanka Liibiya ayaa aqlabiyad ku ansixiyey heshiiskii xuduudaha badda ee Turkiga iyo Liibiya ay kala saxiixdeen sannadkii 2019-kii.
- Heshiiskan ayaa loo arko mid xoojinaysa mowqifka istaraatiijiga ah ee Ankara, isla markaana caqabad ku noqon karta danaha Giriiga iyo Israa’iil ee Bariga Mediterranean-ka.
- Turkiga ayaa heshiiska u arka mid xoojinaya sheegashadiisa ku aaddan aagagga badda ee uu danaynayo.
- Ansixinta heshiiska ayaa sidoo kale imanaysa xilli uu soo dhowaanayo xiriirka Turkiga iyo dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Liibiya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Giriiga ama Israa’iil oo ku saabsan ansixinta heshiiska.
- Maqaalku ma caddeynayo saamaynta heshiiska ku yeelan karto khilaafaadka gobolka.
Gunaanadka akhristaha
Ansixinta heshiiska xuduudaha badda ee Baarlamaanka Liibiya ayaa kordhin karta khilaafaadka Bariga Mediterranean-ka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Turkiga ka qaadi doono ansixinta heshiiska kadib?
- Sidee Giriiga iyo Israa’iil uga jawaabi doonaan horumarkan?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka sahminta tamarta ee Bariga Mediterranean?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · israa · iil · giriiga
Sii akhri
- Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabilay Danjiraha cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya
Shabelle Media
- Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay dhoofinta xoolaha nool iyo iskaashiga dhaqaalaha
Shabelle Media
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Guddi Iskood Isugubayd Nabadaynta Koonfur Galbeed
Shabelle Media