Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Mareykanka oo si lama filaan ah uga Dagtay Garoonka Diyaaradaha Mooskoow ee Dalka Ruushka.
Talaado 25 Aug 2026 {HMC} Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Mareykanka ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Vnukovo ee ku yaal caasimadda Ruushka ee Moscow, markii hore duulimaadkan waxay warbaahintu u tebisay dhacdo aan caadi ahayn, xilligaa oo aysan jirin cid heshay xogta diyaaradan. Balse, warbixin ay mar dhow baahisay warbaahinta Mareykanka ka soo baxda […] The post Diyaarad ay
Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Mareykanka ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Vnukovo ee Moscow iyadoo la socotay madaxa CIA-da, John Ratcliffe.
Maxaa la shaaciyey
- Diyaaradan oo ahayd Boeing C-17A ayaa ka soo duushay Washington, D.C. shalay.
- Mareykanka ayaa wargeliyay Ukraine socdaalka madaxa CIA-da si ay u joojiso duqeymaha Moscow.
- Socdaalkan ayaa noqonaya midka ugu sarreeya ee ka socda Mareykanka oo tagaya Moscow tan iyo bishii Jannaayo 2026.
Macnaha guud
Socdaalkan lama filaan ah ayaa ka dhacay xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka.
“Diyaaradan oo ku duulaysay magaca RCH4555 ay sii martay garoon diyaaradeed oo ku yaalla caasimadda dalka Latvia ee Riga.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan isbedelada siyaasadeed ee caalamiga ah iyo xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Talaado 25 Aug 2026 {HMC} Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Mareykanka ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Vnukovo ee ku yaal caasimadda Ruushka ee Moscow, markii hore duulimaadkan waxay warbaahintu u tebisay dhacdo aan caadi ahayn, xilligaa oo aysan jirin cid heshay xogta diyaaradan.
Balse, warbixin ay mar dhow baahisay warbaahinta Mareykanka ka soo baxda ee Axios oo ku dhow Aqalka Cad ayaa lagu sheegay diyaaradan oo ahayd Boeing C-17A , inuu la socday madaxa hay’adda sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA-da, John Ratcliffe.
Duulimaadkan oo shalay ka soo baxay Washington, D.C., taas uma tegin Moscow , waxay diyaaradan oo ku duulaysay magaca RCH4555 ay sii martay garoon diyaaradeed oo ku yaalla caasimadda dalka Latvia ee Riga, hakasho ka dibna waxay toos ugu duushay Moscow.
Warbixinta Axios, waxaa kaloo lagu sheegay Mareykanka inuu wargeliyay Ukraine socdaalka madaxa CIA-da uu ku tagayo Moscow, iyagoo ka codsaday inay Ukraine joojiso duqeymaha ay ka gaysanayso Moscow inta wafdigan oo noqonaya kuwii ugu sarreeyay oo ka socda Mareykanka oo tagaya Moscow tan iyo bishii Jannaayo 2026 ay halkaa ku suganyihiin, iyadoo illaa hadda aan la faahfaahin ujeedka socdaalkan madaxa CIA-da ,marka laga soo tago Axios oo sheegtay saraakiil Ruush ah inuu la kulmayo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.