Dokumenti sir ah oo kashifay ololaha Imaaraadka ee ka dhanka ah Muslimiinta dalka…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDokumenti sir ah ayaa muujinaya in shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Switzerland ay amartay Imaaraadka Carabta in ay baaritaan ku sameyso ururo iyo shaqsiyaad Muslimiin Mareykan ah, iyadoo lagu xiriirinayo Ikhwaanul Muslimiin.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Warbixintan, oo la diyaariyey sanadkii 2018, waxaa qoray Lorenzo Vidino, oo hadda madax ka ah Barnaamijka Xagjirnimada ee Jaamacadda George Washington, sida ay sheegtay warbaahinta Drop Site News, oo heshay dokumentiyada sirta ah.
- Warbixinta oo cinwaankeedu ahaa “The MB in the US” ayaa magacyada ku dartay tobannaan qof iyo ururo Muslimiin Mareykan ah, oo ay ka mid yihiin Golaha Xiriirka Islaamka iyo Mareykanka ee CAIR, Islamic Society of North America, Muslim Public Affairs Council, Muslim American Society iyo Islamic Relief USA.
- Hase yeeshee, Drop Site News ayaa sheegtay in warbixintu aysan soo bandhigin caddeymo xaqiijinaya eedeymaha ah in ururradaas ay qayb ka ahaayeen shabakad qarsoon oo Ikhwaanul Muslimiin ah.
- Vidino iyo shirkadda Alp Services ee Geneva kama aysan jawaabin codsiyo faallo ah oo ay warbaahintu u dirtay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee taageeraya eedeymaha ku jira dokumentiga?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dokumenti sir ah ayaa muujinaya in shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Switzerland ay amartay Imaaraadka Carabta in ay baaritaan ku sameyso ururo iyo shaqsiyaad Muslimiin Mareykan ah.
- Warbixintan, oo la diyaariyey sanadkii 2018, waxaa qoray Lorenzo Vidino, oo hadda madax ka ah Barnaamijka Xagjirnimada ee Jaamacadda George Washington.
- Dokumentiyada ayaa muujinaya in Alp Services ay Vidino ka dalbatay inuu baaritaan ku sameeyo waxa ay ugu yeertay shabakadaha Ikhwaanul Muslimiin ee Mareykanka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Dokumentiyo sir ah oo la helay ayaa muujinaya in shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Switzerland, kana shaqeynaysay danaha Imaaraadka Carabta, ay amartay baaritaan lagu ururinayey xogta ururo iyo shaqsiyaad Muslimiin Mareykan ah, iyadoo la doonayey in lagu xiriiriyo Ururka Ikhwaanul Muslimiin.
Warbixintan, oo la diyaariyey sanadkii 2018, waxaa qoray Lorenzo Vidino, oo hadda madax ka ah Barnaamijka Xagjirnimada ee Jaamacadda George Washington, sida ay sheegtay warbaahinta Drop Site News, oo heshay dokumentiyada sirta ah.
Warbixinta oo cinwaankeedu ahaa “The MB in the US” ayaa magacyada ku dartay tobannaan qof iyo ururo Muslimiin Mareykan ah, oo ay ka mid yihiin Golaha Xiriirka Islaamka iyo Mareykanka ee CAIR, Islamic Society of North America, Muslim Public Affairs Council, Muslim American Society iyo Islamic Relief USA.
Hase yeeshee, Drop Site News ayaa sheegtay in warbixintu aysan soo bandhigin caddeymo xaqiijinaya eedeymaha ah in ururradaas ay qayb ka ahaayeen shabakad qarsoon oo Ikhwaanul Muslimiin ah.
Vidino iyo shirkadda Alp Services ee Geneva kama aysan jawaabin codsiyo faallo ah oo ay warbaahintu u dirtay. Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta sidoo kale kama aysan jawaabin.
Howlgal sirdoon oo ballaaran
Dokumentiyada ayaa muujinaya in Alp Services ay Vidino ka dalbatay inuu baaritaan ku sameeyo waxa ay ugu yeertay shabakadaha Ikhwaanul Muslimiin ee Mareykanka, iyadoo diyaarinaysay “khariidad” ay ku ururinayso ururo, hay’ado samafal, aqoonyahanno, ganacsato iyo siyaasiyiin lagu tuhmayey xiriir la leh ururka.
Vidino ayaa bishii May 2018 shirkadda u diray warbixinta Mareykanka iyo cilmi-baaris kale, iyadoo dokumentiyadu muujinayaan in lacag dhan 2,000 oo Yuuro loo qorsheeyey warbixintaas, sida ay sheegtay Drop Site News.
Bishii July isla sanadkaas, Alp ayaa xogta u diyaarisay shirkad lagu magacaabo ARIAF Studies and Research LLC, oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi, laguna sheegay dukumentiyada inay ahayd macmiilka Imaaraadka ee Alp.
Qorshe ballaaran oo ay Alp diyaarisay ayaa sidoo kale ku jiray in la adeegsado warbaahin taban, xog qarsoodi ah oo saxafiyiinta loo gudbiyo, wax-ka-beddel lagu sameeyo bogagga Wikipedia, xog la gaarsiiyo shirkadaha qiimeeya khataraha maaliyadeed iyo ololeyn ka dhan ah shaqsiyaad iyo ururo bartilmaameed ahaa.
Arrintan waxay qeyb ka tahay howlgal hore oo Yurub laga shaaciyey oo loo bixiyey “Abu Dhabi Secrets”.
Baaritaan ay sameeyeen Mediapart iyo ururka European Investigative Collaborations ayaa hore u sheegay in Alp ay sirdoonka Imaaraadka siisay magacyada in ka badan 1,000 qof iyo 400 urur oo ku kala sugnaa 18 dal oo Yurub ah intii u dhaxeysay 2017 iyo 2020, kuwaas oo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin Ikhwaanul Muslimiin.
Dokumentiyada la helay waxay sidoo kale tilmaameen in Alp ay muddadaas ka heshay hay’ad Imaaraati ah ugu yaraan 5.7 milyan oo Yuuro.
Salam Al-Marayati, oo madax ka ah Muslim Public Affairs Council, ayaa diiday eedeymaha ku jiray warbixinta Mareykanka.
“Hababkan waxaa naloo adeegsanayey sannadahan oo dhan si naloo takooro, oo na looga saaro siyaasadda,” ayuu u sheegay Drop Site News.
Mareykanka oo cadaadiska kordhiyey
Shaacinta dukomentiyadan ayaa ku soo beegmeysa xilli Mareykanka uu kordhiyey cadaadiska saaran qaar ka mid ah laamaha Ikhwaanul Muslimiin.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii November 2025 maamulkiisa ku amray inuu qiimeeyo suurta-galnimada in qaar ka mid ah laamaha ururka lagu daro liisaska argagixisada.
Bishii January, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka waxay laamaha Ikhwaanul Muslimiin ee Masar iyo Jordan ku dartay liiska Specially Designated Global Terrorists, iyadoo ku eedeysay inay taageero maaddi ah siiyeen Xamaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale laanta Lubnaan, oo loo yaqaan al-Jamaa al-Islamiyah, u aqoonsatay urur argagixiso shisheeye iyo urur caalami ah oo argagixiso loo asteeyey.
Tallaabooyinka Mareykanka waxay khuseeyeen laamo gaar ah, mana ahayn aqoonsi guud oo Ikhwaanul Muslimiin oo dhan lagu daray liiska argagixisada.
Imaaraadka Carabta, oo Ikhwaanul Muslimiin ku daray liiskiisa argagixisada sanadkii 2014, ayaa soo dhaweeyey tallaabada Mareykanka.
Dhanka kale, muranka ku saabsan xiriirka Alp iyo Vidino wuxuu gaaray maxkamadaha Mareykanka.
Ganacsade lagu magacaabo Hazim Nada ayaa sanadkii 2024 dacwad ku soo oogay Imaaraadka, Alp, Vidino iyo dhinacyo kale, isagoo ku eedeeyey inay ka qeyb qaateen olole lagu burburinayey shirkaddiisa, laguna faafinayey eedeymo la xiriira argagixiso.
Garsoore federaal ah ayaa bishii September 2026 meesha ka saaray inta badan dacwadda sababo sharciyeed, wuxuuna sidoo kale diiday eedeyn RICO ah oo ka dhan ahayd Vidino, isagoo sheegay in dacwaddu aysan si ku filan u muujin inuu si ula kac ah uga qeyb galay shirqoolka la sheegay.
Maxkamaddu, si kastaba, ma aysan go’aamin in eedeymaha guud ee ku saabsan ololaha sumcad-dilka ahi ay run ahaayeen iyo in kale.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dokumenti sir ah ayaa muujinaya in shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Switzerland ay amartay Imaaraadka Carabta in ay baaritaan ku sameyso ururo iyo shaqsiyaad Muslimiin Mareykan ah, iyadoo lagu xiriirinayo Ikhwaanul Muslimiin.
Qodobada muhiimka ah
- Dokumenti sir ah ayaa muujinaya in shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Switzerland ay amartay Imaaraadka Carabta in ay baaritaan ku sameyso ururo iyo shaqsiyaad Muslimiin Mareykan ah.
- Warbixintan, oo la diyaariyey sanadkii 2018, waxaa qoray Lorenzo Vidino, oo hadda madax ka ah Barnaamijka Xagjirnimada ee Jaamacadda George Washington.
- Dokumentiyada ayaa muujinaya in Alp Services ay Vidino ka dalbatay inuu baaritaan ku sameeyo waxa ay ugu yeertay shabakadaha Ikhwaanul Muslimiin ee Mareykanka.
- Dokumentiyada la helay waxay sidoo kale tilmaameen in Alp ay muddadaas ka heshay hay’ad Imaaraati ah ugu yaraan 5.7 milyan oo Yuuro.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha ku jira dokumentiga.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid Lorenzo Vidino ama Alp Services oo ku saabsan eedeymaha.
- Maqaalku ma bixinayo aragtiyo ka yimid ururada la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Baaritaanka ururada Muslimiinta Mareykanka ee ay sameysay shirkad sirdoon oo la xiriirta Imaaraadka Carabta ayaa kor u qaadaya walaaca ku saabsan kormeerka iyo takooridda bulshooyinkan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee taageeraya eedeymaha ku jira dokumentiga?
- Sidee bay ururada la xusay uga jawaabeen eedeymahan?
- Maxay noqon kartaa saameynta baaritaankan ee bulshooyinka Muslimiinta Mareykanka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sir · imaaraadka · ololaha