Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bilowday Qorshe Ballaaran oo Looga Hortagayo Fatahaadaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo diyaar garowga fatahaadaha, iyadoo gargaar iyo qorshe degdeg ah loo diyaariyey bulshada nugul. The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bilowday Qorshe Ballaaran oo Looga Hortagayo Fatahaadaha first appeared on Radio Dalsan .

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasaaradda Gargaarka iyo Hay’adaha Dowladda oo Isku Dubbariday Diyaargarowga Xilli Roobaadka
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bilowday qorshe qaran oo lagu xoojinayo u diyaar garowga fatahaadaha la filayo xilliga roobaadka, iyadoo la dardargelinayo gurmadka degdegga ah iyo taageerada la gaarsiinayo bulshada nugul.
Mas’uul ka tirsan dowladda oo booqasho ku tegay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay shaqada ay wasaaraddu qabatay, isagoo ammaanay hoggaanka wasiirka, maamulka wasaaradda iyo kooxda farsamada (Technical Team) ee ka shaqeynaysa qorsheynta iyo ka hortagga musiibooyinka.
Mas’uulka ayaa xusay in Soomaaliya ay soo martay xaalado adag oo isugu jiray abaaro iyo fatahaado, isla markaana saadaasha roobabka sanadkan ay muujinayso in meelaha qaar ay wajihi karaan daadad ka xooggan kuwii hore. Wuxuu tilmaamay in magaalooyin iyo deegaanno badan ay u baahan yihiin feejignaan iyo diyaargarow degdeg ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.