Dowladda oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo hoggaaminaysay ciidamadii ku dagaallamay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga loo dhaadhiciyay Gaashaanle Xasan Kaafi, oo ah Abaanduulaha Guutada 17-aad ee Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gorgor, kaas oo ay weheliyaan Gaashaanle Aadan Baaruud oo horay loo sheegay in la xiray.
- Sidoo kale, waxaa la sheegay in saraakiishaan lagu daray taliye urur oo ka tirsan Guutada 17-aad ee Ciidanka Gorgor, kaas oo isna la xiray, iyadoo dhammaan saraakiishaan loo haysto eedeymo la xiriira sida ay u maareeyeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Jameeco.
- Xogaha laga helayo arrintan ayaa tilmaamaya in saraakiisha loo haysto dayacaad la sheegay inay ka dhacday goobihii difaaca ee ciidanka, taas oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u suuragelisay inay fursad ka helaan fariisimihii ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen ama agagaarkooda.
- Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu daray gaadiid ciidan oo la sheegay inay gacanta u galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab intii uu dagaalku socday, iyadoo la doonayo in la ogaado duruufihii sababay in gaadiidkaasi laga qabsado ciidanka.
Sida ay sheegtay Jowhar
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee baaritaanka lagu hayo saraakiisha la xiray?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Saraakiisha la xiray waxaa ka mid ah Gaashaanle Xasan Kaafi, oo ah Abaanduulaha Guutada 17-aad ee Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gorgor, iyo Gaashaanle Aadan Baaruud.
- Saraakiisha loo haysto dayacaad la sheegay inay ka dhacday goobihii difaaca ee ciidanka, taas oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u suuragelisay inay fursad ka helaan.
- Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Okt 31 (Jowhar)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo hoggaaminaysay ciidamadii ku dagaallamay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay, kaddib markii la sheegay in baaritaan lagu sameynayo sababihii keenay khasaaraha iyo dib-u-dhaca ku yimid difaacyadii ciidanka.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga loo dhaadhiciyay Gaashaanle Xasan Kaafi, oo ah Abaanduulaha Guutada 17-aad ee Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gorgor, kaas oo ay weheliyaan Gaashaanle Aadan Baaruud oo horay loo sheegay in la xiray.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in saraakiishaan lagu daray taliye urur oo ka tirsan Guutada 17-aad ee Ciidanka Gorgor, kaas oo isna la xiray, iyadoo dhammaan saraakiishaan loo haysto eedeymo la xiriira sida ay u maareeyeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Jameeco.
Xogaha laga helayo arrintan ayaa tilmaamaya in saraakiisha loo haysto dayacaad la sheegay inay ka dhacday goobihii difaaca ee ciidanka, taas oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u suuragelisay inay fursad ka helaan fariisimihii ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen ama agagaarkooda.
Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu daray gaadiid ciidan oo la sheegay inay gacanta u galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab intii uu dagaalku socday, iyadoo la doonayo in la ogaado duruufihii sababay in gaadiidkaasi laga qabsado ciidanka.
Dhanka kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in xariggan uusan ku jirin saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada gaarka ah iyo cutubyada Ciidanka 12-ka Abriil ee ka qeybgalay dagaalka, kuwaas oo aan lagu darin saraakiisha hadda baaritaanka lagu hayo.
Xarigga saraakiishan ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda federaalku baaritaanno ku waddo dhacdooyinkii ka dhacay deegaanka Jameeco, kaddib khasaaraha ciidanka dowladda kasoo gaaray dagaalka iyo wararka la xiriira gaadiidkii laga qabsaday.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ama taliska ciidanka oo si faahfaahsan uga hadlaya xarigga saraakiishan iyo eedeymaha loo haysto.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo hoggaaminaysay ciidamadii ku dagaallamay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay. Saraakiisha la xiray waxaa ka mid ah Gaashaanle Xasan Kaafi iyo Gaashaanle Aadan Baaruud.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo hoggaaminaysay ciidamadii ku dagaallamay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay.
- Saraakiisha la xiray waxaa ka mid ah Gaashaanle Xasan Kaafi, oo ah Abaanduulaha Guutada 17-aad ee Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gorgor, iyo Gaashaanle Aadan Baaruud.
- Saraakiisha loo haysto dayacaad la sheegay inay ka dhacday goobihii difaaca ee ciidanka, taas oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u suuragelisay inay fursad ka helaan.
- Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo ku saabsan xarigga.
- Maqaalku ma jiraan jawaabaha ka imaanaya saraakiisha la xiray ama wakiiladooda.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warar ku saabsan baaritaanka iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
Gunaanadka akhristaha
Xarigga saraakiisha milatari ka dib dagaal ayaa su'aalo ka keenaya mas'uuliyadda iyo dhaqanka milatari ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee baaritaanka lagu hayo saraakiisha la xiray?
- Maxay yihiin saameynta xariggan ku yeelan karto howlgalada milatari ee gobolka?
- Ma jiri doonaan tallaabooyin dheeraad ah oo la qaadi doono ka dhan ah saraakiisha kale ee ku lugta leh dagaalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dowladda · dhigtay · xabsiga