Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Dowladda Soomaaliya oo doonaysa in dadkeedu lacag ka sameeyo baraha bulshada
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku gudaha jirto dadaallo suurtagelinaya in dadka jooga gudaha dalka ay dakhli ka sameyn… Sii akhri
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guda jirta dadaallo suurtagelinaya in dadka gudaha dalka ay dakhli ka sameeyaan baraha bulshada.
Maxaa la shaaciyey
- Dowladda Soomaaliya waxay qorsheyneysaa in shuruuc lagu hirgeliyo si dadka gudaha dalka ay dakhliga uga helaan baraha bulshada.
- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustaf Yaasiin, ayaa sheegay in hal-abuurka dadkeenna la faa'iideysan doono.
- Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa si weyn u isticmaala baraha bulshada sida Facebook, TikTok, iyo Snapchat.
“si looga faa’iideysto hal-abuurka dadkeenna, waxaan ku guda jirnaa dadaallo lagu hirgelinayo shuruuc u suurtagelinaya in dakhliga laga helo baraha bulshada (Social Media) lagu kasbado gudaha dalka, si la mid ah dalalka kale ee dunida.”
Sababta ay muhiim u tahay: Arintani waxay muhiim u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed si ay fursad u helaan inay lacag ka sameeyaan baraha bulshada.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku gudaha jirto dadaallo suurtagelinaya in dadka jooga gudaha dalka ay dakhli ka sameyn karaan baraha bulshada, si la mid ah dalalka caalamka.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) Mustaf Yaasiin ayaa yiri “si looga faa’iideysto hal-abuurka dadkeenna, waxaan ku guda jirnaa dadaallo lagu hirgelinayo shuruuc u suurtagelinaya in dakhliga laga helo baraha bulshada (Social Media) lagu kasbado gudaha dalka, si la mid ah dalalka kale ee dunida.”
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka ayaa aad u isticmaala aaladaha baraha bulshada sida Facebook, TikTok iyo Snapchat, kuwaas oo intooda badan aan wax dakhli ah ka sameyn.
Shirkadda Meta ayaa sanadkii 2024 dadka ku nool dalka Kenya u oggolaatay in ay lacag ka sameyn karaan wax yaabaha ay geliyaan Facebook sida sawirada, qoraallada iyo muuqaallada, arrintaas oo ay ka shaqaysay dowladda dalkaas.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.