Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Diidmada Gelitaanka Garsoore Cumar Cartan ee Mareykanka
Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Mareykanka ay ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, iyadoo muujisay sida ay uga xun tahay arrintaasi. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Garsoore Cumar Cartan, oo loo aqoo

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay diidmada Mareykanka ee gelitaanka Garsoore Cumar Cartan.
Maxaa la shaaciyey
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa muujisay sida ay uga xuntahay go'aanka Mareykanka.
- Garsoore Cumar Cartan ayaa loo aqoonsaday Garsooraha Sanadka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) sannadka 2025.
- Dowladda Soomaaliya waxay qaaday dadaallo diblomaasiyadeed si loo fududeeyo safarka Garsoore Cartan.
Macnaha guud
Dowladda Mareykanka ayaa diidday gelitaanka Garsoore Cumar Cartan, taasoo keentay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka hadasho arrintan.
“Nasiib darro, dadaalladaasi ma aysan dhalin natiijadii la rajeynayay.”
Sababta ay muhiim u tahay: Arrintan waxay muujinaysaa caqabadaha ay la kulmaan shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee caalamiga ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Mareykanka ay ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, iyadoo muujisay sida ay uga xun tahay arrintaasi.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Garsoore Cumar Cartan, oo loo aqoonsaday Garsooraha Sanadka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) sannadka 2025, uu yahay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu sumcadda badan Soomaaliya ee dhanka ciyaaraha, isla markaana astaan qaran u ah shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay xustay in guulaha iyo waxqabadka Garsoore Cartan ay sare u qaadeen magaca Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, isaga oo dhiirrigelin iyo tusaale wanaagsan u noqday kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku haminaya inay gaaraan heerar sare oo caalami ah.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaaday dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan, kuwaas oo lala yeeshay hay’adaha ay khusayso si loo fududeeyo safarka Garsoore Cartan iyo ka qeyb-galkiisa tartanka uu ku wajahnaa dalka Mareykanka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.