Topic
Warkasta is tracking cartan across 7 reports from 5 sources. Recent coverage touches cumar, adduunka, and dhalinyarada, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Jigjiga (WDN) — Garsooraha kubadda cagta Soomaaliyeed ee caanka ah Omar Abdulkadir Cartan ayaa soo dhawayn weyn lagu sameeyay Jimcaha kadib markii uu soo gaaray Jigjiga, caasimadda Dowlad Goboleedka Soomaalida Itoobiya, ka hor finalka koobka gobolada oo si weyn loo sugayo. Kumanaan taageerayaal kubadda cagta, mas'uuliyiin isboorti, iyo wakiillo sare oo ka socda Dowlad Goboleedka Soomaalida ayaa ku soo ururay Garoonka Diyaaradaha Jigjiga si...

Jun 14 (Jowhar)-Garsoore Cumar Cartan oo loo diiday inuu galo dalka Mareykanka si uu u dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka, ayaa la siin doonaa lacag dhameystiran oo uu ku leeyahay tartanka. Cartan ayaa muddo 11 saacadood ah su’aalo ay ku weydiinayeen hay’adaha socdaalka ee dalka Mareykanka isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami Isniintii ka […]

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Mareykanka ay ugu diidday gelitaanka garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, iyadoo muujisay sida ay uga xun tahay arrintaasi. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Garsoore Cumar Cartan, oo loo aqoo

Muqdisho – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka halkaas oo lagu waday inuu ka qeyb galo garsooridda tartanka Koobka Adduunka. Garsoore Cartan oo ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca dheer qaaradda Afrika isla markaana ay aqoonsan tahay […]

Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda fiinaal-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska mas'uuliyiinta, kaddib markii laga hor istaagay inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee Miami ee Mareykanka.

MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu khadka taleefanka kula xiriiray garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan, kaddib markii laga reebay ka qeybgalka ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026. Farmaajo ayaa sheegay inuu la wadaagay garsooraha dareenkiisa ku aaddan caqabadda uu la kulmay, isagoo ku ammaanay dadaal
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayay ku sheegtay […