Duqeymo Diyaaradaha Drone-ka ah oo Lagu Weeraray Ciidamo Eritrean ah oo la Sheegay inay Gudaha Itoobiya Galeen
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDiyaarado aan duuliye lahayn oo la tuhunsan yahay inay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeeyeen gaadiid ay wateen ciidamo Eritrean ah oo ku sugnaa agagaarka magaalada Adigrat, ee gobolka Tigray.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Warbixinta ayaa tilmaamaysa in ciidamada Eritrea ay ka soo gudbeen xadka, iyagoo ka soo galay dhinaca deegaanka Zelambesa, ka hor inta aan la beegsan gaadiidkooda xilli ay ku sii jeedeen deegaannada Adigrat iyo Idaga Hamus.
- Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa soo xigatay taliye ka tirsan xoogagga taageera dowladda Itoobiya, kaas oo sheegay in ciidamo Eritrean ahi ay galeen magaalooyinka Adigrat iyo Idaga Hamus.
- Dhanka kale, dowladda Eritrea si cad uma aysan xaqiijin in ciidamadeedu gudaha u galeen deegaannadaas, halka AP ay sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhaqdhaqaaqa ciidamada la sheegay.
- Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha amni iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo hore isaga kaashaday dagaalkii gobolka Tigray intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay duqeymaha la sheegay?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Eritrea ayaa la sheegay inay ka soo gudbeen xadka, iyagoo ka soo galay dhinaca deegaanka Zelambesa.
- Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin tirada ciidamada la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay duqeymaha la sheegay.
- Dhanka kale, dowladda Eritrea si cad uma aysan xaqiijin in ciidamadeedu gudaha u galeen deegaannadaas.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Diyaarado aan duuliye lahayn oo la tuhunsan yahay inay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeeyeen gaadiid ay wateen ciidamo Eritrean ah oo ku sugnaa agagaarka magaalada Adigrat, ee gobolka Tigray, sida ay sheegtay hay’adda dabagalka colaadaha ee ACLED.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in ciidamada Eritrea ay ka soo gudbeen xadka, iyagoo ka soo galay dhinaca deegaanka Zelambesa, ka hor inta aan la beegsan gaadiidkooda xilli ay ku sii jeedeen deegaannada Adigrat iyo Idaga Hamus. Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin tirada ciidamada la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay duqeymaha la sheegay.
Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa soo xigatay taliye ka tirsan xoogagga taageera dowladda Itoobiya, kaas oo sheegay in ciidamo Eritrean ahi ay galeen magaalooyinka Adigrat iyo Idaga Hamus.
Dhanka kale, dowladda Eritrea si cad uma aysan xaqiijin in ciidamadeedu gudaha u galeen deegaannadaas, halka AP ay sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhaqdhaqaaqa ciidamada la sheegay.
Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha amni iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo hore isaga kaashaday dagaalkii gobolka Tigray intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.
Xariirka labada dal ayaa tan iyo markaas wajahayay khilaafaad sii kordhaya, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in xiisaddu isu beddesho iska horimaad militari oo toos ah.
Haddii ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo weerarrada la soo sheegayo, waxaa laga cabsi qabaa in gobolka Tigray uu mar kale galo xaalad amni oo cakiran, taasoo sababi karta barakac hor leh, khasaare naf iyo maalba leh iyo carqalad ku timaadda ganacsiga iyo isu-socodka dadka ee gobolka.
Dagaal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea wuxuu sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelan karaa amniga Geeska Afrika, ayadoo Itoobiyana laga yaabaa inay ku khasbanaato inay ciidamo iyo dhaqaale dheeraad ah u weeciso xuduuddeeda waqooyi, arrintaas oo saamayn ku yeelan karta mudnaanta amni iyo siyaasadeed ee ay ku leedahay gobolka, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Ilaa hadda, faahfaahin madax-bannaan oo dhammaystiran lagama hayo khasaaraha ka dhashay duqeymaha la soo sheegay iyo xaaladda dhabta ah ee ciidamada Eritrea ee la sheegay inay gudaha u galeen gobolka Tigray.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Diyaarado aan duuliye lahayn oo la tuhunsan yahay inay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeeyeen gaadiid ay wateen ciidamo Eritrean ah oo ku sugnaa agagaarka magaalada Adigrat, ee gobolka Tigray.
Qodobada muhiimka ah
- Diyaarado aan duuliye lahayn oo la tuhunsan yahay inay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay duqeeyeen gaadiid ay wateen ciidamo Eritrean ah oo ku sugnaa agagaarka magaalada Adigrat, ee gobolka Tigray.
- Ciidamada Eritrea ayaa la sheegay inay ka soo gudbeen xadka, iyagoo ka soo galay dhinaca deegaanka Zelambesa.
- Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin tirada ciidamada la beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay duqeymaha la sheegay.
- Dhanka kale, dowladda Eritrea si cad uma aysan xaqiijin in ciidamadeedu gudaha u galeen deegaannadaas.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinada ACLED ee ku saabsan duqeymaha.
- Tirada khasaaraha iyo xaaladda dhabta ah ee ciidamada Eritrea weli lama xaqiijin.
- Dowladda Eritrea ma aysan xaqiijin dhaqdhaqaaqa ciidamada la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ay jiraan saamaynta suurtagalka ah ee amniga gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay duqeymaha la sheegay?
- Maxay yihiin saamaynta ay yeelan karto joogitaanka ciidamada Eritrea ee gudaha Itoobiya?
- Sidee xaaladdan u saameyn doontaa amniga guud ee Geeska Afrika?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · eritrean · ciidamo · itoobiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Itoobiya iyo Eritrea
Caasimada Online
- Itoobiya: Ma jirto cid naga hor-istaagi karta in aan bad helno
Caasimada Online
- Warbaahinta Itoobiya oo wajahaysa jahwareer, kadib markii Xasan Sheekh…
Caasimada Online