Ebola: Maxaa kasoo kordhay bukaankii dhowaan lagu karantiilay Muqdisho?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMuwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu geliyay karantiil Muqdisho kaddib markii uu safar la soo galay nin Kenyan ah oo markii dambe cudurka Ebola ugu geeriyooday Nairobi.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Waxa xigaWaxaa laga qaaday muunad dhiig ah, waxaana la filayaa in natiijada baaritaanka ay soo baxdo maalmaha soo socda.
- Cidda ay saamaysayAgaasimuhu wuxuu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay weli waddo hawsha raadraaca dadka xiriirka la yeeshay bukaanka, isla markaana uusan doonayn inuu ka sii hormaro hannaankaas, maadaama ay jiraan habraacyo la dejiyay oo ay tahay in la raaco.
- Muwaadinka ayaa la dhigay xarunta karantiilka iyo daaweynta cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho, si xaaladdiisa caafimaad loo qiimeeyo loona kormeero.
- "Xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR) ayaa ogeysiin rasmi ah ka helay dhiggiisa Uganda fiidnimadii 10ka Oktoobar 2026.
Sida ay sheegtay BBC Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa tallaabooyinka taxaddarka ah ee la qaaday si looga jawaabo kiiska suurtagalka ah ee Ebola, taas oo muhiim u ah badbaadada caafimaadka bulshada.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin calaamadaha gaarka ah ee lagu kormeero muwaadinka Soomaaliyeed?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu geliyay karantiil 11-kii Oktoobar 2026, kaddib markii uu safar la soo galay nin Kenyan ah oo markii dambe cudurka Ebola ugu geeriyooday Nairobi 5-tii Oktoobar 2026.
- Muwaadinka Soomaaliyeed waxaa lagu kormeeraa Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho.
- Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in qofkaas la karantiili doono muddo 21 maalmood ah, laga soo bilaabo 3-dii Oktoobar.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ebola: Maxaa kasoo kordhay bukaankii dhowaan lagu karantiilay Muqdisho?
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa 11-kii Oktoobar 2026, muwaadin Soomaaliyeed gelisay karantiil, taas oo ahayd tallaabo taxaddar ah, kaddib markii uu safar la soo galay nin Kenyan ah oo markii dambe cudurka Ebola ugu geeriyooday magaalada Nairobi 5-tii Oktoobar 2026.
Muwaadinka ayaa la dhigay xarunta karantiilka iyo daaweynta cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho, si xaaladdiisa caafimaad loo qiimeeyo loona kormeero.
"Xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR) ayaa ogeysiin rasmi ah ka helay dhiggiisa Uganda fiidnimadii 10ka Oktoobar 2026. Ogeysiiska waxaa ku caddaa in muwaadin Soomaaliyeed iyo Muwaadin Kenyan ah ay ka soo wada safreen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyagoo soo maray Uganda. Sida xogta la soo gudbiyey tilmaamayso, labada muwaadin oo rag ah waxay wada degeen hal hoteel, kadibna wada raaceen hal gaari oo geeyay Garoonka Entebbe ee Dalka Uganda.
"Labada Muwaadin yaa ugu dabenytii u kala safray Nairobi iyo Muqdisho. Muwaadinka Soomaaliyeed wuxuu Muqdisho u soo maray Addis Ababa, halka muwaadinka Kenyan-ka isna u safarya dalka Kenya, kadibna la xaqiijiyey in uu u geeriyooday Cudurka Ebola magaalda Nairobi 5ta Oktoobar 2026, isagoo daryeel caafimaad ka helaya xarun caafimaad ee Dalka Kenya." Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed toddobaadkii hore kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya Dr. Xuseen Abuukar Muxudiin oo BBC la hadlay ayaa sheegay in qofkaas la karantiili doono muddo 21 maalmood ah, laga soo bilaabo 3-dii Oktoobar.
Waxaa laga qaaday muunad dhiig ah, waxaana la filayaa in natiijada baaritaanka ay soo baxdo maalmaha soo socda.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in la sameeyay laba nooc oo baaritaanno ah: mid gudaha dalka lagu sameeyay iyo mid kale oo loo diray Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka ee Kenya (KEMRI). Wuxuu sheegay inuusan sheegi karin taariikhda saxda ah ee la heli doono natiijooyinka rasmiga ah.
"Xaaladda bukaanku waa mid deggan, mana muujinayo wax calaamado ah oo cudurka Ebola ah illaa hadda," ayuu yiri.
Soomaaliya ayaa raadraac ku haysay dadka la kulmay ama xiriirka la yeeshay ninkaasi. Agaasimuhu wuxuu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay weli waddo hawsha raadraaca dadka xiriirka la yeeshay bukaanka, isla markaana uusan doonayn inuu ka sii hormaro hannaankaas, maadaama ay jiraan habraacyo la dejiyay oo ay tahay in la raaco.
"Marka hawsha la dhammaystiro, xogta waxaa loo soo bandhigi doonaa dadweynaha," ayuu yiri.
Xaruntan ayaa hadda ah xarunta keliya ee ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya u asteeysay karantiilka dadka looga shakiyo inay qabaan cudurka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu geliyay karantiil Muqdisho kaddib markii uu safar la soo galay nin Kenyan ah oo markii dambe cudurka Ebola ugu geeriyooday Nairobi.
Qodobada muhiimka ah
- Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu geliyay karantiil 11-kii Oktoobar 2026, kaddib markii uu safar la soo galay nin Kenyan ah oo markii dambe cudurka Ebola ugu geeriyooday Nairobi 5-tii Oktoobar 2026.
- Muwaadinka Soomaaliyeed waxaa lagu kormeeraa Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho.
- Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in qofkaas la karantiili doono muddo 21 maalmood ah, laga soo bilaabo 3-dii Oktoobar.
- Waxaa laga qaaday muunad dhiig ah, waxaana la filayaa in natiijada baaritaanka ay soo baxdo maalmaha soo socda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee muwaadinka Soomaaliyeed.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid mas'uuliyiinta Kenyan-ka ee ku saabsan kiiskan.
- Maqaalku ma xaqiijinayo waqtiga hannaanka karantiilka marka laga reebo taariikhaha la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaasha waa in ay ka warqabaan kormeerka iyo baaritaanka la xiriira kiiska Ebola ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin calaamadaha gaarka ah ee lagu kormeero muwaadinka Soomaaliyeed?
- Immisa qof ayaa la raadinayaa oo la xiriira kiiskan?
- Waa maxay habraacyada la dejiyay ee ku saabsan hannaanka karantiilka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa tallaabooyinka taxaddarka ah ee la qaaday si looga jawaabo kiiska suurtagalka ah ee Ebola, taas oo muhiim u ah badbaadada caafimaadka bulshada.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- BBC Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: world · general · ebola · maxaa · karantiilay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada