Eboluhu Xuduud Siyaasaddeed Ma Leh: Baahida Qorshe iyo Mudnaanta Badbaadada Bulshada
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiXaqiijinta kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ee Kenya ayaa walaac ka abuuray Geeska Afrika, iyadoo la muujinayo baahida degdegga ah ee hay'adaha caafimaadka Soomaaliya inay iskaashadaan si loo hortago faafitaanka fayraska.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa xaqiijiyay in bukaankii laga helay cudurka Ebola uu geeriyooday.
- Dhanka Soomaaliya, fariintu waa inay noqotaa mid cad: Ebolu-hu ma aqoonsana xuduudaha siyaasaddeed, maamul-goboleedyada ama khilaafaadka dastuuriga ah.
- Xaqiiqadan ayaa ka dhigaysa iskaashiga dhow ee u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha caafimaadka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka mid aan ahayn oo keliya wax la doonayo, balse ah lama huraan.
- Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxay ku kala aragti duwanaan karaan siyaasadda, maamulka iyo qaybsiga awoodaha, balse cudurrada faafa waxay u baahan yihiin hannaan ka duwan.
Sida ay sheegtay Wardheer News
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa baahida loo qabo jawaab qaran oo isku-xiran si loo wajaho khataraha caafimaad sida Ebola, oo aan aqoonsan xuduudaha siyaasadeed.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadi doonaan hay'adaha caafimaadka Soomaaliya si ay uga jawaabaan khatarta Ebola?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ee Kenya ayaa walaac ka abuuray Geeska Afrika.
- Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa xaqiijiyay in bukaankii laga helay cudurka Ebola uu geeriyooday.
- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Ebola.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (WDN)- Xaqiijinta kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ee Kenya ayaa walaac hor leh ka abuuray Geeska Afrika, iyadoo ay soo baxday baahida degdegga ah ee loo qabo in hay’adaha caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyadu ay qprshe meel iska dhigaan, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortagga faafitaanka cudurkan halista ah.
Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa xaqiijiyay in bukaankii laga helay cudurka Ebola uu geeriyooday. Arrintan ayaa sii kordhisay walaaca gobolka, xilli cudurka Ebola uu weli khatar caafimaad oo weyn ka yahay qaybo ka mid ah dalka Congo, iyadoo sidoo kale kiisas laga soo sheegay dalalka deriska ah oo ay ka mid yihiin Uganda iyo Rwanda.
Dhanka Soomaaliya, fariintu waa inay noqotaa mid cad: Ebolu-hu ma aqoonsana xuduudaha siyaasaddeed, maamul-goboleedyada ama khilaafaadka dastuuriga ah. Fayrasku ma kala sooco Muqdisho, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo ama meel kale oo Soomaaliya ka mid ah.
Xaqiiqadan ayaa ka dhigaysa iskaashiga dhow ee u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha caafimaadka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka mid aan ahayn oo keliya wax la doonayo, balse ah lama huraan.
Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waxay ku kala aragti duwanaan karaan siyaasadda, maamulka iyo qaybsiga awoodaha, balse cudurrada faafa waxay u baahan yihiin hannaan ka duwan. Marka cudur si fudud u kala qaadi kara oo halis ku ah nolosha dadka uu soo baxo, khilaafaadka siyaasaddeed waa in si ku-meel-gaar ah loo meel dhigaa, iyadoo mudnaanta la siinayo tallaabo caafimaad oo wadajir ah.
Khatar Caafimaad oo Qaran Waxay u Baahan Tahay Jawaab Qaran
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Ebola, isla markaana ay qaaday tallaabooyin taxaddar ah oo lagu xoojinayo diyaar-garowga dalka.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa iyaduna sheegtay inay xoojisay diyaar-garowga Ebola kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay. Puntland waxay sheegtay in ilaa hadda aan laga xaqiijin wax kiis Ebola ah, iyadoo carrabka ku adkaysay inay si dhow ula socoto xaaladda ka jirta dalalka deriska ah iyo guud ahaan gobolka.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay xoojinayso diyaar-garowga, ogaanshaha hore iyo qorshe jawaabta degdegga ah, si loo kordhiyo awoodda Puntland ee ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada faafa.
Tallaabooyinkaas waa muhiim, balse diyaar-garowga Ebola kuma ekaan karo hal maamul oo keliya. Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaam qaran oo isku-xiran oo lagu ilaaliyo caafimaadka bulshada laguna wajaho cudurrada faafa, kaas oo isku xiraya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo wasaaradaha caafimaadka Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Waqooyi Bari iyo Hirshabeelle.
Iskaashigaas waa inuu ka koobnaadaa is-dhaafsiga xogta, la socodka cudurrada, baaritaannada shaybaarrada, baaritaannada xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha marka loo baahdo, tababarka shaqaalaha caafimaadka, diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, wacyigelinta bulshada iyo habab degdeg ah oo dadka looga shakiyo cudurka loogu gudbin karo xarumaha loo asteeyay daaweynta iyo karantiilka. Khatartu waa mid aad u weyn.
Ebolaha waxaa keena fayraska Ebola, wuxuuna qofka ugu gudbi karaa taabasho toos ah oo lala sameeyo dhiigga ama dheecaannada jirka qof qaba cudurka, gaar ahaan marka qofka uu leeyahay calaamadaha cudurka. Calaamaduhu waxay soo bixi karaan laba ilaa 21 maalmood kaddib marka qofku la kulmo fayraska, waxaana ka mid noqon kara qandho, tabar-darro daran, murqo-xanuun, madax-xanuun, matag, shuban iyo calool-xanuun.
Xaaladaha daran, cudurku wuxuu sababi karaa dhiig-bax gudaha ah, xubnaha jirka oo shaqadooda gabaya iyo dhimasho.
Soomaaliya ma awooddo kala-qaybsanaan hay’adeed
Juqraafi ahaan, Soomaaliya waxay ku taallaa meel ka dhigaysa feejignaanta mid si gaar ah muhiim u ah. Dalka wuxuu xiriir ballaaran la leeyahay dalalka deriska ah, iyadoo ay jiraan ganacsi, socdaal, tahriib, isu-socod iyo xiriirro qoys. Sidaas darteed, cudur ka dillaaca gobolka wuxuu si toos ah ama si dadban u saameyn karaa Soomaaliya. Tani waa sababta kala-qaybsanaanta hay’adaha ay u noqon karto khatar.
Haddii hay’adaha caafimaadka Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu si kala gooni ah u shaqeeyaan, xogtu ay si gaabis ah isu dhaafsato, ama khilaafaadka siyaasadeed ay carqaladeeyaan isku-duwidda xaaladaha degdegga ah, waxaa lumin kara waqti qaali ah xilliyada ugu horreeya ee uu cudurku dillaaco. Taasi waa wax aan la aqbali karin.
Eboluhu ma aha arrin federaal, arrin Puntland, arrin Jubaland ama arrin siyaasaddeed. Waa xaalad caafimaad oo degdeg ah oo halis ku ah qof kasta oo Soomaali ah.
Sidaas darteed, Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo wasaaradaha caafimaadka dowlad-gobolleedyadu waa inay dhisaan ama xoojiyaan hannaan joogto ah oo lagu wada shaqeeyo, kaas oo diiradda saaraya cudurrada faafa ee soo ifbaxaya. Hannaankaasi waa inuu shaqeeyaa iyadoon loo eegin khilaafaadka siyaasaddeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.
Isla mabda’aas waa inuu khuseeyaa bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageerta dhinaca caafimaadka. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee bani’aadannimo iyo horumarinta waa inay taageeraan hannaan qaran oo mideysan oo loogu diyaar-garoobo cudurrada faafa, iyagoo si toos ah ula shaqeynaya hay’adaha mas’uulka ka ah bixinta adeegyada caafimaadka ee gudaha dalka.
Puntland oo Bulshada ugu Baaqday Feejignaan
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shacabka ugu baaqday inay si degdeg ah u raadsadaan daryeel caafimaad haddii ay isku arkaan calaamado ay ka mid yihiin qandho, daal daran, madax-xanuun, murqo-xanuun, matag, shuban ama dhiig-bax aan caadi ahayn, gaar ahaan haddii ay dhawaan u safreen goob uu cudurka Ebola ka jiro.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay la shaqaynayso hay’adaha dowladda ee u xilsaaran maaraynta khataraha caafimaad iyo bah-wadaagta caafimaadka, si loo xoojiyo awoodda Puntland ee ka hortagga, ogaanshaha iyo ka jawaabidda cudurrada faafa iyo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, oo uu ka mid yahay Ebola. Habkan waa in lagu dabaqaa dhammaan Soomaaliya.
Wacyigelinta bulshada ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah leh. Bulshada waa in la siiyaa macluumaad cad oo sax ah oo ku saabsan sida Ebola u faafo, calaamadaha laga feejignaado iyo meelaha lagu wargelinayo haddii laga shakiyo qof qaba cudurka. Isla markaana, hay’adaha caafimaadku waa inay ka hortagaan wararka aan salka lahayn, faquuqa bukaannada iyo cabsi aan loo baahnayn oo bulshada ku dhex faafa.
Baahida qorshe loo dhan yahay oo lagaga hortego cudurka Ebola
Soomaaliya kama maaranto khilaafaadka siyaasaddeed. Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ayaa marar badan ku kala aragti duwan awooddaha dastuuriga ah, doorashooyinka, amniga iyo qaybsiga awooddaha. Balse dillaaca cudur faafa waa caqabad gebi ahaanba ka duwan khilaafaadka siyaasadeed.
Fayrasku ma gorgortamo. Ma sugo in wada-hadallada siyaasadeed la soo gabagabeeyo. Mana ixtiraamo xuduudaha dastuuriga ah. Haddii Ebola uu gaaro Soomaaliya, cawaaqibka ka dhalan kara loollanka hay’adaha waxaa lagu cabbiri karaa, ma aha cinwaannada siyaasadeed, balse nolosha dadka Soomaaliyeed.
Xaqiijinta kiiska Ebola ee Kenya waa inay Soomaaliya u noqotaa digniin hore, balse aysan noqon sabab keenta cabsi iyo argagax. Soomaaliya weli waxay haysataa fursad ay ku xoojiso la socodka cudurrada, diyaar-garowga iyo isku-duwidda ka hor inta uusan cudurku soo gaarin xuduudaheeda.
Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu waa inay fursaddan ka faa’iidaystaan. Iyadoo aan loo eegin khilaafaadka siyaasadeed ee jira, hay’adaha caafimaadka Soomaaliya waxay wadaagaan hal mas’uuliyad oo aasaasi ah: ilaalinta nolosha iyo caafimaadka shacabka Soomaaliyeed.
Marka laga hadlayo Ebola, waa inaysan jirin kala-qaybsanaan federaal iyo dowlad-goboleed, xisaab siyaasadeed ama loollan hay’adeed. Waa inay jirtaa hal ujeeddo oo caafimaad: in cudurka si hore loo ogaado, si degdeg ah loo xakameeyo, lagana hortago inuu sii faafo.
WardheerNews
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xaqiijinta kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ee Kenya ayaa walaac ka abuuray Geeska Afrika, iyadoo la muujinayo baahida degdegga ah ee hay'adaha caafimaadka Soomaaliya inay iskaashadaan si loo hortago faafitaanka fayraska.
Qodobada muhiimka ah
- Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola ee Kenya ayaa walaac ka abuuray Geeska Afrika.
- Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa xaqiijiyay in bukaankii laga helay cudurka Ebola uu geeriyooday.
- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Ebola.
- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa iyaduna sheegtay inay xoojisay diyaar-garowga Ebola kaddib markii Kenya ay xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaabo ah oo ka yimid dhinacyada kale ee ku saabsan xaaladda.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka yimid mas'uuliyiinta caafimaadka iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda ku saabsan Ebola ee gobolka waxay u baahan tahay fiiro gaar ah iyo iskaashi ka dhexeeya hay'adaha caafimaadka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee ay qaadi doonaan hay'adaha caafimaadka Soomaaliya si ay uga jawaabaan khatarta Ebola?
- Sidee loo dhisi doonaa iskaashiga u dhexeeya wasaaradaha caafimaadka ee federaalka iyo kuwa gobollada?
- Ma jiraan wax kiis Ebola ah oo la xaqiijiyay oo ka jira Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa baahida loo qabo jawaab qaran oo isku-xiran si loo wajaho khataraha caafimaad sida Ebola, oo aan aqoonsan xuduudaha siyaasadeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wardheer News
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · leh · baahida · eboluhu