Golaha Wasiirrada oo maanta qaaday tallaabo culus kadib arrin soo korortay
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiGolaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah oo qaaday tallaabo muhiim ah oo ku saabsan faafitaanka cudurka Ebola.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayUgu dambeyn, Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood , kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.
- Cidda ay saamaysayKulanka Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faa’iidooyinka lagu helay kamid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda go’an ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aanan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale.
- Waaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka.
- Warbixinta kadib, Golaha Wasiiradda ayaa meel-mariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola, waxaana loo saaray guddi ka kooban 6 Wasaaradood oo uu guddoomiyanayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Mudane Jibriil Xaaji Cabdi, waxana ay kala yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee guddigu qaadi doono si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Ebola?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddiga ka kooban 6 Wasaaradood ayaa la aasaasay si looga diyaar-garoobo cudurka Ebola.
- Kulanka ayaa sidoo kale looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo
- Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah, iyaga oo sidoo kale qaaday tallaabo culus, si ooga hortago halista kasoo korortay ee gobolka ee ku aadan faafitaanka cudurka Ebola.
Waaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka.
Warbixinta kadib, Golaha Wasiiradda ayaa meel-mariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola, waxaana loo saaray guddi ka kooban 6 Wasaaradood oo uu guddoomiyanayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Mudane Jibriil Xaaji Cabdi, waxana ay kala yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.
Sidoo kale, shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa waxaa looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo dhammaaday, iyada oo goluhu bogaadiyey habka dimoqraadiga ah ee ay dadweynuhu ugu dareereen doorashada, taas oo qeyb ka ah dedaalada xukuumadda ee la xiriira fulinta dastuurka jamhuuriyadda oo marayo marxaladdo kala duwan.
Kulanka Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faa’iidooyinka lagu helay kamid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda go’an ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aanan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale. Sidoo kalena ganacsatada iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed ay fursad u heleen in aanan lala tiigsan xeerar cusub oo dalalka qaar ku mamnuuceen ajaaniibta.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Xiriirka Caalamiga ah, ayaa warbixinta ku sheegtay in ku biirista Bulshada Bariga Afrika, ay dadkeenna u fududeysay arrimaha degenaanshaha, socdaalka iyo caafimaadka, waxa ayna intaas ku dartay in markii ugu horreysay Soomaaliya loo sameeyay qoondo shaqaalaha joogtada ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Dhankeeda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) oo soo socday muddo 10 sanadood ah, kaas oo maraya meel gebogebo ah, Soomaaliyana ay dhammaystireyso dhammaan shuruudihii looga baahnaa, oo ay ka mid tahay jaangoynta tariifooyinka badeedaha dibedda ka yimaadda iyo dhismaha hay’ado maamul.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargaliyo howlaha Xukuumadda DanQaran horyaalla ee mudnaanta u leh iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaranka, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda ee sanadkan, gaar ahaan adeegyada la doonayo in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood , kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah oo qaaday tallaabo muhiim ah oo ku saabsan faafitaanka cudurka Ebola.
Qodobada muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah oo qaaday tallaabo muhiim ah oo ku saabsan faafitaanka cudurka Ebola.
- Guddiga ka kooban 6 Wasaaradood ayaa la aasaasay si looga diyaar-garoobo cudurka Ebola.
- Kulanka ayaa sidoo kale looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo
- Golaha Wasiiradda ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanada rasmiga ah iyo warbixinno ka socda dowladda.
Gunaanadka akhristaha
Golaha Wasiirrada ayaa si firfircoon uga jawaabaya arrimaha caafimaadka dadweynaha iyo arrimaha maamulka ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee guddigu qaadi doono si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka Ebola?
- Sidee bay doorashooyinka guuleystay ee Galmudug iyo Hirshabeelle u saameyn doonaan xaaladda siyaasadeed ee qaranka?
- Maxay yihiin talaabooyinka xiga ee Soomaaliya ay qaadi doonto si ay ugu biirto Ururka Ganacsiga Adduunka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soo · tallaabo · korortay