Erdoğan iyo Aliyev oo kulan laba geesood ah ku yeeshay Azerbaijan, kana hadlay xoojinta xiriirka labada dal
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiRecep Tayyip Erdoğan iyo Ilham Aliyev ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Shusha ee dalka Azerbaijan, iyagoo ka hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in guushii Azerbaijan ay ka gaartay gobolka Karabakh ay tahay guul taariikhi ah oo sharaf u ah Azerbaijan iyo guud ahaan dunida Turkiga, isaga oo xusay in xiriirka Ankara iyo Baku uu maanta marayo heer aad u sarreeya, kaddib markii uu soo maray caqabado kala duwan oo taariikhi ah.
- Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay mabda’a ah “Hal qaran, laba dowladood”, kaas oo uu ku tilmaamay midnimo qoto dheer oo salka ku haysa taariikh, dhaqan iyo jacayl ay labada shacab wadaagaan.
- Waxa uu sheegay in walaaltinimada Turkiga iyo Azerbaijan aysan ku koobnayn oo keliya luqadda, taariikhda iyo dhaqanka ay wadaagaan, balse ay tahay xiriir qaran oo xooggan, isaga oo xusay in farxadda magaalada Baku ay tahay farxadda Ankara, halka sharafta magaalada Shusha ay tahay sharafta guud ahaan shacabka Turkiga.
- Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa ka hadlay muhiimadda Ururka Dowladaha Turkiga (Organization of Turkic States), isaga oo sheegay in heerka uu maanta ururku gaaray uu muujinayo rabitaanka iyo dadaallada wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin heshiisyada gaarka ah ee lagu gaaray kulanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Recep Tayyip Erdoğan iyo Ilham Aliyev ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Shusha ee dalka Azerbaijan.
- Erdoğan ayaa sheegay in guushii Azerbaijan ay ka gaartay gobolka Karabakh ay tahay guul taariikhi ah oo sharaf u ah Azerbaijan iyo guud ahaan dunida Turkiga.
- Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay mabda’a ah “Hal qaran, laba dowladood”.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Shusha, Azerbaijan – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo dhiggiisa dalka Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Shusha ee dalka Azerbaijan, kaddibna qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaas oo ay kaga hadleen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya.
Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in guushii Azerbaijan ay ka gaartay gobolka Karabakh ay tahay guul taariikhi ah oo sharaf u ah Azerbaijan iyo guud ahaan dunida Turkiga, isaga oo xusay in xiriirka Ankara iyo Baku uu maanta marayo heer aad u sarreeya, kaddib markii uu soo maray caqabado kala duwan oo taariikhi ah.
Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay mabda’a ah “Hal qaran, laba dowladood”, kaas oo uu ku tilmaamay midnimo qoto dheer oo salka ku haysa taariikh, dhaqan iyo jacayl ay labada shacab wadaagaan.
Waxa uu sheegay in walaaltinimada Turkiga iyo Azerbaijan aysan ku koobnayn oo keliya luqadda, taariikhda iyo dhaqanka ay wadaagaan, balse ay tahay xiriir qaran oo xooggan, isaga oo xusay in farxadda magaalada Baku ay tahay farxadda Ankara, halka sharafta magaalada Shusha ay tahay sharafta guud ahaan shacabka Turkiga.
Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa ka hadlay muhiimadda Ururka Dowladaha Turkiga (Organization of Turkic States), isaga oo sheegay in heerka uu maanta ururku gaaray uu muujinayo rabitaanka iyo dadaallada wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.
Waxa uu dowladda Azerbaijan uga mahadceliyay dadaalladii ay sameysay muddadii ay hoggaanka ururka haysay, gaar ahaan kuwa la xiriiray xoojinta midnimada iyo horumarinta iskaashiga dunida Turkiga.
Erdoğan ayaa sidoo kale muujiyay rajada uu ka qabo in muddada uu dalkiisu hoggaaminayo ururka lagu horumarin doono qaab-dhismeedkiisa hay’adeed, si uu u noqdo mid awood iyo waxqabad badan leh.
Gabagabadii booqashada, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Marwada Koowaad ee Turkiga, Emine Erdoğan, ayaa ka qaybgalay casho sharaf rasmi ah oo ay u sameeyeen Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, iyo Marwada Koowaad ee dalkaas, Mehriban Aliyeva.
Kulanka ayaa mar kale muujinaya xiriirka dhow ee siyaasadeed iyo walaaltinimo ee ka dhexeeya Turkiga iyo Azerbaijan, kuwaas oo muddo dheer ku suntanaa iskaashi dhinacyo kala duwan leh.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Recep Tayyip Erdoğan iyo Ilham Aliyev ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Shusha ee dalka Azerbaijan, iyagoo ka hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda.
Qodobada muhiimka ah
- Recep Tayyip Erdoğan iyo Ilham Aliyev ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Shusha ee dalka Azerbaijan.
- Erdoğan ayaa sheegay in guushii Azerbaijan ay ka gaartay gobolka Karabakh ay tahay guul taariikhi ah oo sharaf u ah Azerbaijan iyo guud ahaan dunida Turkiga.
- Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay mabda’a ah “Hal qaran, laba dowladood”.
- Erdoğan ayaa sidoo kale muujiyay rajada uu ka qabo in muddada uu dalkiisu hoggaaminayo ururka lagu horumarin doono qaab-dhismeedkiisa hay’adeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada aan ku jirin kulanka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan hadallada uu Erdoğan sheegay.
- Maqaalku ma caddeynayo natiijooyinka gaarka ah ee kulanka.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka ayaa muujinaya xiriirka dhow ee siyaasadeed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Turkiga iyo Azerbaijan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin heshiisyada gaarka ah ee lagu gaaray kulanka?
- Sidee ayey hadallada Erdoğan u saameyn doonaan xiriirka mustaqbalka ee Turkiga iyo Azerbaijan?
- Maxay yihiin tallaabooyinka xiga ee Ururka Dowladaha Turkiga inta lagu jiro hoggaaminta Turkiga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · yeeshay · geesood · azerbaijan