Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Faah-faahinta saddex weerar oo ka dhacay magaalada Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo loo adeegsaday qaraxyo jugtooda laga maqlay bartamaha magaaladan oo caasimad u ah Dowlad-goboleedka HirShabelle. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay laanta Isnaay ee xaafadda Horseed, iyada oo lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya […]

SO
Faah-faahinta saddex weerar oo ka dhacay magaalada Jowhar
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo loo adeegsaday qaraxyo jugtooda laga maqlay bartamaha magaaladan oo caasimad u ah Dowlad-goboleedka HirShabelle.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay laanta Isnaay ee xaafadda Horseed, iyada oo lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo deggan halkaasi, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Haaroole, waxaana soo gaaray dhaawac, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale, weerarka labaad oo ahaa Bam-gacmeed ayaa isna lagu beegsaday xero ay dagan yihiin Guutada 3-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo ku taalla agagaarka saldhigga Jowhar, iyada oo ciidamada ay fureen rasaas kadib weerarka lagu qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka iyo rasaasta xigtay ee ay fureen ciidamada dowladda ee ku sugan xerada la beegsaday oo ay dagan yihiin military-ga Soomaaliya.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldhacayjowharmagaalada
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.