Fahad oo shaaciyay qorshe halis ku ah mucaaradka oo socdo
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo wareysi dheer bixiyay ayaa ka hadlay marxaladda cusub ee uu galay dalka, isaga oo si kulul uga falceliyay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira xaaladda kala guurka ah. Fahad Yaasiin ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu wado muddo kororsi sharci […] The post Fahad oo shaa

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo wareysi dheer bixiyay ayaa ka hadlay marxaladda cusub ee uu galay dalka, isaga oo si kulul uga falceliyay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira xaaladda kala guurka ah.
Fahad Yaasiin ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu wado muddo kororsi sharci darro ah, uuna ku doonayo qoray si uu awood ugu muquuniyo mucaaradka.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haatan Xasan Sheekh uu ku howlan yahay qorahe halis ku ah mucaaradka, isla markaana uu doonayo inuu ku go’doomiao magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.
Agaasimhii hore ee NISA ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe darbi dhagax ah loogu soo wareejinayo magaalada Muqdisho, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa guud, isla markaana ujeedka Madaxweynaha uu yahay inuu isku ballaariyo Xamar, sida uu hadalka u dhigay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan