Fahad oo Xasan ku eedeeyay inuu Soomaaliya u horseedayo xaalad la mid ah tan Suudaan
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiFahad Yaasiin ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu Soomaaliya u horseedayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo la mid ah tan ka taagan dalka Suudaan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ku sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu Soomaaliya geliyo xaalad keeni karta in dalka ay ka hanaqaadaan laba Madaxweyne, laba dowladood iyo laba ciidan, sida uu hadalka u dhigay.
- Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Madaxweynuhu uu wado qar iska tuurnimo halis gelin karta dowladnimada Soomaaliya, isaga oo ka digay in tallaabooyinka noocaas ah ay dalka u horseedi karaan kala qaybsanaan hor leh.
- “Xasan Sheekh wuxuu doonayaa inuu haadaan ka tuur qaranka oo uu xaaladda Soomaaliya la aado jidka Al Burhaan iyo Xamayiiti: labo Madaxweyne, labo dowladood iyo labo ciidan,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
- Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay dowlad shisheeye inay Xasan Sheekh ku dhiirrigelisay inuu kursiga ku sii dhegganaado, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay qorshe lagu sii kala fogeynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna sii hurinayo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Fahad Yaasiin uu aaminsan yahay in Madaxweynaha Xasan Sheekh uu qaaday?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu Soomaaliya geliyo xaalad keeni karta in dalka ay ka hanaqaadaan laba Madaxweyne, laba dowladood iyo laba ciidan.
- Fahad Yaasiin ayaa muujiyay walaac xooggan oo uu ka qabo mustaqbalka Soomaaliya.
- Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay dowlad shisheeye inay Xasan Sheekh ku dhiirrigelisay inuu kursiga ku sii dhegganaado.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu dalka u horseedayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo la mid ah tan ka taagan dalka Suudaan, halkaas oo ay ku loollamayaan laba hoggaamiye oo kala wata ciidamo iyo maamulo iska soo horjeeda.
Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ku sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu Soomaaliya geliyo xaalad keeni karta in dalka ay ka hanaqaadaan laba Madaxweyne, laba dowladood iyo laba ciidan, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Madaxweynuhu uu wado qar iska tuurnimo halis gelin karta dowladnimada Soomaaliya, isaga oo ka digay in tallaabooyinka noocaas ah ay dalka u horseedi karaan kala qaybsanaan hor leh.
“Xasan Sheekh wuxuu doonayaa inuu haadaan ka tuur qaranka oo uu xaaladda Soomaaliya la aado jidka Al Burhaan iyo Xamayiiti: labo Madaxweyne, labo dowladood iyo labo ciidan,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay dowlad shisheeye inay Xasan Sheekh ku dhiirrigelisay inuu kursiga ku sii dhegganaado, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay qorshe lagu sii kala fogeynayo shacabka Soomaaliyeed, laguna sii hurinayo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka.
“Dowlad shisheeye ayaa ka dhaadhicisay kursiga haka kicin, iyagoo uga dan leh in Soomaali lasii kala fogeeyo. Ilaahay idankiis damacaas uma hirgalayo,” ayuu mar kale sii raaciyay.
Dhanka kale, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa muujiyay walaac xooggan oo uu ka qabo mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ee taagan ay dalka u horseedi karaan xaalad adag haddii aan la gaarin xal deg-deg ah.
Si kastaba, ha’ahaatee, eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin muranno siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Xiisadda ayaa sidoo kale sii laba kacleysay toddobaadkii hore, kadib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha, kaas oo ay si cad u diideen siyaasiyiinta mucaaradka ee sida wayn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Fahad Yaasiin ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu Soomaaliya u horseedayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo la mid ah tan ka taagan dalka Suudaan.
Qodobada muhiimka ah
- Fahad Yaasiin ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud inuu Soomaaliya u horseedayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo la mid ah tan ka taagan dalka Suudaan.
- Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu Soomaaliya geliyo xaalad keeni karta in dalka ay ka hanaqaadaan laba Madaxweyne, laba dowladood iyo laba ciidan.
- Fahad Yaasiin ayaa muujiyay walaac xooggan oo uu ka qabo mustaqbalka Soomaaliya.
- Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay dowlad shisheeye inay Xasan Sheekh ku dhiirrigelisay inuu kursiga ku sii dhegganaado.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu si weyn u muujinayaa aragtida Fahad Yaasiin iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo ku jira maqaalka.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan dowlad shisheeye oo la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Eedeymaha Fahad Yaasiin waxay muujinayaan xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Fahad Yaasiin uu aaminsan yahay in Madaxweynaha Xasan Sheekh uu qaaday?
- Waa maxay cadeymaha taageeraya eedeymaha Fahad Yaasiin ee ku saabsan saameynta shisheeye?
- Sidee ayey siyaasiyiinta kale ee Soomaaliya uga jawaabaan eedeymahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · suudaan · horseedayo · tan