Topic
Warkasta is tracking suudaan across 9 reports from 4 sources. Recent coverage touches afwerki, dadka, and dhacay, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

In ka badan 160 qof ayaa la soo sheegay in lagu dilay weerarro isdaba-joog ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen qaybo kala duwan oo ka tirsan dalka Suudaan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo warar kale ay sheegayaan in dadka ku dhintay weerarrada qaarkood ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Mid kamid ah weerarkii ugu dhimashada badnaa ayaa maanta ka dhacay Suudaan, waxayna xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in dadka ku dhintey ay ganacsato Soomaali ah ku jirto. Magalada Al-Dibab ee gobolka Kordofaan ee Koonfurta Suudaan waxaa maanta ka dhacay weerar loo adeegsad diyaarad aan duuliye lahayn oo ay ku…

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu dalka u horseedayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo la mid ah tan ka taagan dalka Suudaan, halkaas oo ay ku loollamayaan laba hoggaamiye oo kala wata ciidamo iyo maamulo…
Taliye ka tirsanaa maleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF) ee dalka Suudaan, Gaashaanle Dhexe Mohammed Azraq al-Fanjari, ayaa ku dhawaaqay inuu ka goostay kooxdaas, isaga oo la socda 300 oo saraakiil iyo askar ah iyo 30 gaari oo dagaal.
Ku dhowaad 2,800 qof ayaa hal maalin gudaheed ka barakacay 10 tuulo oo ku yaalla gobolka Blue Nile ee koonfur-bari Suudaan, kaddib markii ay sii xumaadeen xaaladaha amni ee deegaanka.
Mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee Soomasliya, Masar, Eritrea, Masar, iyo Suudaan ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku baaqayaan in colaadaha ka socda gobolka lagu dhammeeyo wada-hadal iyo xalal siyaasadeed, xilli dagaalladu ka sii xoogeysanayaan Suudaan iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Suudaan, General Cabdifataax Al-Burhan, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, magaalada New Alamein ee dalka Masar.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay ganacsade ajanbi ah oo u dhashay dalka Suudaan, kaas oo ku sugnaa gudaha deegaanka Milxo ee gobolkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdalle Suudaani, waxaana la sheegay inuu dilkiisa ka dambeeyay mid kamid ah…

Madaxweynaha Eleteriya Isaias Afwerki ayaa maanta u safray dalka Masar halkaas oo uu kaga qaybgalo madasha ganacsiga Al-Calamayn iyo wadahadallo… Sii akhri