Garsoore Cumar Cartan oo hadlay Ka Dib Markii Loo Diiday Inuu galo Mareykanka
ANKARA – Garsooraha caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa u mahadceliyey “bahda kubadda cagta” iyo shacabka Soomaaliyeed taageeradii ay u muujiyeen, ka dib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, halkaas oo la qorsheynayay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha dhex-dhexaadinaya tartanka Koobka Adduunka ee 2026. Cumar Cartan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay [

Garsooraha Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa loo diiday inuu galo Mareykanka si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka 2026.
Maxaa la shaaciyey
- Cumar Cartan ayaa u mahadceliyey taageerada bahda kubadda cagta iyo shacabka Soomaaliyeed.
- FIFA ayaa xaqiijisay in go'aanka diidmada uu yahay mid aan dib loo beddeli karin.
- Dadaallo diblomaasiyadeed ayaa wali socda si Cumar Cartan loogu geeyo Mareykanka.
Macnaha guud
Cumar Cartan ayaa la qorsheynayay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha tartanka Koobka Adduunka, laakiin waxaa loo diiday inuu galo Mareykanka.
“Waxaan u mahadcelinayaa bahda kubadda cagta fariimihii ay ii soo fireen.”
Sababta ay muhiim u tahay: Arintani waxay muujinaysaa caqabadaha ay la kulmaan dadka Soomaaliyeed iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
ANKARA – Garsooraha caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa u mahadceliyey “bahda kubadda cagta” iyo shacabka Soomaaliyeed taageeradii ay u muujiyeen, ka dib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, halkaas oo la qorsheynayay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha dhex-dhexaadinaya tartanka Koobka Adduunka ee 2026.
Cumar Cartan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in inkastoo ay jiraan duruufahan adag, uu haddana ku sugan yahay niyad wanaagsan, uuna diiradda saarayo caqabadaha xiga ee mustaqbalka shaqadiisa garsoorenimo.
Cumar Cartan ayaa yiri: “Waxaan u mahadcelinayaa bahda kubadda cagta fariimihii ay ii soo fireen, waxaanan saaxiibadayda garsoorayaasha ah u rajaynayaa guul u sarreysa inta uu socdo Koobka Adduunka. Waxaan rajaynayaa inaan dib ula midoobo tartamada mustaqbalka. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa xiriirada FIFA iyo CAF taageerada ay ii muujiyeen, waxaanan ballan-qaadayaa inaan kor u sii qaadi doono heerkayga garsoorenimo xilli aan diiradda saarayo mustaqbalka.”
Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa xaqiijiyey in go’aankan uu yahay mid ka baxsan awooddooda, isla markaana aan dib loo beddeli karin.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.