Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Garsoore Cumar Cartan oo Muqdisho Dib ugu Soo Laabtay, Looguna Sameeyay Soo Dhaweyn Heer Sare ah

Muqdisho – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka halkaas oo lagu waday inuu ka qeyb galo garsooridda tartanka Koobka Adduunka. Garsoore Cartan oo ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca dheer qaaradda Afrika isla markaana ay aqoonsan tahay […]

SO
Garsoore Cumar Cartan oo Muqdisho Dib ugu Soo Laabtay, Looguna Sameeyay Soo Dhaweyn Heer Sare ah
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii loo diiday inuu galo Mareykanka si uu uga qeyb galo tartanka Koobka Adduunka.

Maxaa la shaaciyey

  1. Garsoore Cartan ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyadoo mas'uuliyiin, taageerayaal, iyo boqolaal dadweyne ay ka qeyb galeen.
  2. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xun tahay caqabadda soo wajahday Garsoore Cartan, iyadoo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed.
  3. Garsoore Cumar Cartan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ku booriyay inay sii wadaan rajadooda iyo himilooyinkooda.

Macnaha guud

Diidmada loo diiday Garsoore Cartan ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo gudaha Soomaaliya ah, iyadoo la sheegay in arrintani ay saameyn ku yeelatay xirfadlayaasha Soomaaliyeed.

“Soomaaliya dhammaanteen annagaa iska leh, haddii ay wanaag tahay iyo haddii ay caqabado jirto.”

Cumar Cabdulqaadir Cartan
Muqdisho
2026-06-10

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan caqabadaha ay la kulmaan xirfadlayaasha Soomaaliyeed iyo sida ay arrimahani u saameynayaan sumcadda dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka halkaas oo lagu waday inuu ka qeyb galo garsooridda tartanka Koobka Adduunka.

Garsoore Cartan oo ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca dheer qaaradda Afrika isla markaana ay aqoonsan tahay FIFA, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan bahda ciyaaraha, taageerayaal iyo boqolaal dadweyne ah oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin soo laabashadiisa.

Diidmada loo diiday inuu galo Mareykanka ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo gudaha Soomaaliya ah, iyadoo dad badan ay arrintaasi u arkeen caqabad ku timid xirfadle Soomaaliyeed oo sumcad weyn ku leh garsoorka kubadda cagta heer caalami.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa dib u celinta Garsoore Cartan, haddana dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameeyay nidaamka xayiraadaha socdaalka ee uu hirgeliyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralcartangarsoorelaabtay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.