Garsoore Cumar Cartan oo siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho.
Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada…

Garsooraha Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalka.
Maxaa la shaaciyey
- Soo dhaweynta waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday bahda ciyaaraha, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
- Masuuliyiin iyo ciyaartooy hore ayaa ku ammaanay Cumar Cartan kaalinta uu ka qaatay horumarinta garsoorka kubadda cagta Soomaaliya iyo Afrika.
- Cumar Cartan ayaa si weyn uga dhex muuqday warbaahinta caalamka kadib markii laga saaray liiska garsoorayaasha ka qayb geli lahaa Koobka Adduunka.
Macnaha guud
Cumar Cartan ayaa la kulmay walaac ka yimid ururrada ciyaaraha iyo taageerayaasha kadib markii dowladda Maraykanku u diidday dal-ku-galka uu ku geli lahaa dalkaas.
“inkastoo uu seegay fursaddii uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka, haddana uu weli yahay astaan sharaf iyo tusaale u ah kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka helayaan in Cumar Cartan uu yahay garsoore caan ah oo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan qaaradda Afrika.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada…
Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho, kadib markii uu dib ugu soo laabtay dalka. Soo dhaweynta ayaa ahayd mid ballaaran oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday bahda ciyaaraha, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyey taageeradooda iyo garab istaagooda garsooraha.
Intii lagu guda jiray soo dhaweynta, masuuliyiin iyo ciyaartooy hore ayaa ku ammaanay Cumar Cartan kaalinta uu ka qaatay horumarinta garsoorka kubadda cagta Soomaaliya iyo Afrika. Waxay sheegeen in inkastoo uu seegay fursaddii uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka, haddana uu weli yahay astaan sharaf iyo tusaale u ah kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah.
Cumar Cartan ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay si weyn uga dhex muuqday warbaahinta caalamka, kadib markii laga saaray liiska garsoorayaasha ka qayb geli lahaa Koobka Adduunka, sabab la xiriirta in dowladda Maraykanku u diidday dal-ku-galka uu ku geli lahaa dalkaas.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.