Gollaha Amaanka oo ka shiraya howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
MUQDISHO – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa galinka dambe ee maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso in diiradda la saaro taageerada amniga, ciidamada iyo saadka, halkii laga geli lahaa doodaha la xiriira xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya waxay dooneysaa in kulanka lagu […]

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya si loo xoojiyo taageerada hawlgalka AUSSOM.
Maxaa la shaaciyey
- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dooneysaa in kulanka lagu xoojiyo taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
- Xafiiska UNSOS wuxuu raadinayaa $130 milyan oo doolar si loo taageero hawlgallada amniga.
- Hawlgalka AUSSOM wuxuu wajahaya miisaaniyad yari dhan $38.5 milyan.
Macnaha guud
Dowladda Soomaaliya waxay ku dadaaleysa in diiradda la saaro taageerada amniga iyo saadka halkii laga geli lahaa doodaha siyaasadeed.
“Kooxaha argagixisada ay weli awood u leeyihiin inay khatar ku sii ahaadaan amniga dalka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda amniga iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa galinka dambe ee maanta kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso in diiradda la saaro taageerada amniga, ciidamada iyo saadka, halkii laga geli lahaa doodaha la xiriira xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka.
Dowladda Soomaaliya waxay dooneysaa in kulanka lagu xoojiyo taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah sii wadidda hawlgallada amniga. Dowladda ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa in kulanka looga fogaado arrimaha muranka dhaliyay ee la xiriira muddo-kororsiga iyo dagaalkii dhawaan ka dhacay dalka.
Kulanka waxaa Golaha Ammaanka warbixinno ku siin doona mas’uuliyiin ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaas oo faahfaahin ka bixin doona xaaladda amni, horumarka hawlgallada socda iyo caqabadaha horyaalla qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya.
Warbixinnada hordhaca ah ee la gudbiyay ayaa muujinaya in kooxaha argagixisada ay weli awood u leeyihiin inay khatar ku sii ahaadaan amniga dalka. Sidoo kale, waxaa jira walaac ku saabsan saameynta ay dhaqaale-yaridu ku yeelan karto hawlgallada amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.