Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed Machadka Raoul oo kala saxeexday heshiis lagu xoojinayo xuquuqda aadanaha
Muqdisho — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) iyo Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Bani’aadannimada (RWI) ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu taageerayo dhismaha iyo xoojinta aasaaska Guddiga, si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ah ee Paris. Heshiiskan ayaa diiradda lagu saari doonaa horum

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) iyo Machadka Raoul Wallenberg ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga Bani’aadannimada (RWI) ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxeexday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu taageerayo dhismaha iyo xoojinta aasaaska Guddiga, si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ah ee Paris.
Heshiiskan ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta hay’adda, dhismaha nidaamyada maamulka, kobcinta awoodaha shaqaalaha, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta ilaalinta xuquuqda aadanaha, si loo dhiso guddi madax-bannaan, lagu kalsoonaan karo isla markaana wax-ku-ool ah.
Heshiiska waxaa kala saxeexday Guddoomiyaha GMXIQ Dr. Maryan Qasim iyo Agaasimaha Fulinta ee Machadka RWI Peter Lundberg, intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin sare oo labada dhinac ka socday, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa xusay in heshiiskan uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta hay’adaha ilaalinta caddaaladda iyo sharciga ee Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan