Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya
Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banqaasi, halkaas oo ay kula kulmeen 70 dhalinyaro Soomaaliyeed oo xiran, kuwaas oo ay ku jiraan 8 haween ah. Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo Soomaali ah ay ku xiran yihiin xabsiyada Bariga iyo Koonfurta Liibiya, […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banqaasi, halkaas oo ay kula kulmeen 70 dhalinyaro Soomaaliyeed oo xiran, kuwaas oo ay ku jiraan 8 haween ah.
Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa sheegay in ku dhawaad 300 oo Soomaali ah ay ku xiran yihiin xabsiyada Bariga iyo Koonfurta Liibiya, badankoodna loo xiray socdaal sharci-darro ah.
Waxay sidoo kale caddeeyeen in inta badan la sii deyn doono lana gacan qaban doono dib ugu laabashada Soomaaliya, iyadoo kharashaadkana ay bixinayaan.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Liibiya ayaa ballanqaaday inay la socdaan xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed isla markaana la wadaagi doonaan dowladda Soomaaliya, halka labada dhinacna ay gaareen heshiis iskaashi oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.