Guddiga xuquuqul insaanka oo ku baaqay in caddaalad loo helo Ikhlaas lagu dilay Baydhabo
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiBaydhabo, Soomaaliya – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa ku baaqay in caddaalad loo helo Ikhlaas, oo ahayd gabar shan jir ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinGMXIQ ayaa sidoo kale ku baaqay in qoyska gabadha loo xaqiijiyo caddaalad iyo isla-xisaabtan, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo ka hortagga falalka noocan oo kale ah.
- Guddigu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si buuxda loo baaro dilka Ikhlaas, lana xaqiijiyo in cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd falka loo maro waddooyinka caddaaladda.
- Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ay khuseyso ay si hufan uga shaqeeyaan kiiska, si loo ogaado xaqiiqooyinka ku xeeran dilka iyo cidda mas’uulka ka ah.
- Dilka Ikhlaas ayaa walaac ka dhex abuuray bulshada Baydhabo, iyadoo baaqa GMXIQ uu kusoo aadayo xilli doodda ku saabsan amniga carruurta iyo isla-xisaabtanka dadka geysta dambiyada ay sii xoogeysaneyso.
Sida ay sheegtay Shabelle Media

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Baydhabo, Soomaaliya – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa ku baaqay in caddaalad loo helo Ikhlaas, oo ahayd gabar shan jir ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Guddigu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si buuxda loo baaro dilka Ikhlaas, lana xaqiijiyo in cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd falka loo maro waddooyinka caddaaladda.
GMXIQ ayaa sidoo kale ku baaqay in qoyska gabadha loo xaqiijiyo caddaalad iyo isla-xisaabtan, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo ka hortagga falalka noocan oo kale ah.
Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ay khuseyso ay si hufan uga shaqeeyaan kiiska, si loo ogaado xaqiiqooyinka ku xeeran dilka iyo cidda mas’uulka ka ah. Dilka Ikhlaas ayaa walaac ka dhex abuuray bulshada Baydhabo, iyadoo baaqa GMXIQ uu kusoo aadayo xilli doodda ku saabsan amniga carruurta iyo isla-xisaabtanka dadka geysta dambiyada ay sii xoogeysaneyso.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · baydhabo · baaqay · xuquuqul
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada