Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka Oo Soo Gabagabeeyey Barnaamij Is-weydaarsi Aqooneed
NAIROBI – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa soo gabagabeeyey barnaamij is-weydaarsi aqooneed oo socday muddo toddobaad ah, kaas oo ay martigeliyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR) iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR). Wafdiga Guddiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Maxamed Haaruun Maxam
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyey barnaamij is-weydaarsi aqooneed oo socday muddo toddobaad ah.
Maxaa la shaaciyey
- Barnaamijkan waxaa martigeliyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Kenya.
- Wafdiga Guddiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Maxamed Haaruun Maxamuud.
- Barnaamijku wuxuu gacan ka geystay xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada guddi qaran ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo Kenya.
Macnaha guud
Guddiga ayaa ku hawlan dhismaha iyo adkaynta hay’adda si uu u noqdo guddi madaxbannaan, hufan, lagu kalsoonaan karo.
“Barnaamijku waxa uu sidoo kale gacan ka geystay xoojinta iskaashiga iyo is-afgaradka u dhexeeya labada guddi qaran.”
Sababta ay muhiim u tahay: Somali akhristayaasha waxay ka faa'iidaysan karaan aqoonta iyo waayo-aragnimada la wadaago si loo horumariyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
NAIROBI – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa soo gabagabeeyey barnaamij is-weydaarsi aqooneed oo socday muddo toddobaad ah, kaas oo ay martigeliyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR) iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR).
Wafdiga Guddiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Maxamed Haaruun Maxamuud, waxaana ka mid ahaa Xoghayaha Guddiga Fadumo Cabdiqai Yuusuf, Komishiner Farxaan Maxamed Jimcaale, Komishioner Cali Maxamed Cilmi, iyo Agaasimaha Guud ee Guddiga Mustafa Axmed Maxamuud.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada Guddigu ugu jiro dhismaha iyo adkaynta hay’adda, si uu u noqdo guddi madaxbannaan, hufan, lagu kalsoonaan karo, isla markaana waafaqsan Mabaa’diida Paris (Paris Principles) ee hagaya hay’adaha Qaran ee xuquuqda aadanaha.
Barnaamijku waxa uu sidoo kale gacan ka geystay xoojinta iskaashiga iyo is-afgaradka u dhexeeya labada guddi qaran ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo abuuray fursad lagu wadaago aqoon, waayo-aragnimo iyo dhaqamada ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo ilaalinta iyo dhiirrigelinta xuquuqda aadanaha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.