Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo ballan-qaaday 5 qodob
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan wuxuuna soo bandhigay shan qodob oo uu mudnaanta siin doono.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaaraySidoo kale, wuxuu u mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo caawa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xilli xaaladda gobolkaasi ay tahay mid aad u kacsan.
- Cidda ay saamaysayWaxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo dhammaan qaybaha bulshada, isimada dhaqanka, culimada, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo hay’adaha kala duwan, si aan u gaarno Hiiraan nabdoon, midaysan oo horumar leh.
- Barre oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono 1- Dib-u-heshiisiinta, 2-Xoojinta nabadda, 3-Isu-soo-dhoweynta bulshada, 4-Xalinta khilaafaadka iyo 5-Dhisidda kalsoonida bulshada.
- Mudane Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa ah Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna beddalayaa Muuse Salaad Wehliye oo dhawaan uun iska casilay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, sababo la xiriirta kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay isaga iyo madaxda HirShabelle oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xalinta tabashada ay qabaan bulshada reer Hiiraan.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee lagu xallinayo mudnaanta la sheegay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wuxuu soo bandhigay shan qodob oo uu mudnaanta siin doono muddada uu xilka hayo: Dib-u-heshiisiinta, Xoojinta nabadda, Isu-soo-dhoweynta bulshada, Xalinta khilaafaadka iyo Dhisidda kalsoonida bulshada.
- Wuxuu u mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo caawa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
- Mudane Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa ah Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna beddalayaa Muuse Salaad Wehliye.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Barre Cilmi, ayaa soo bandhigay ballan-qaad cusub oo la xiriira wax ka qabashada xaaladda gobolka, isaga oo caddeeyay 5 qodob oo uu mudnaanta siin doono muddada uu xilka hayo.
Barre oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono 1- Dib-u-heshiisiinta, 2-Xoojinta nabadda, 3-Isu-soo-dhoweynta bulshada, 4-Xalinta khilaafaadka iyo 5-Dhisidda kalsoonida bulshada.
Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo caawa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xilli xaaladda gobolkaasi ay tahay mid aad u kacsan.
Mudane Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa ah Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna beddalayaa Muuse Salaad Wehliye oo dhawaan uun iska casilay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, sababo la xiriirta kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay isaga iyo madaxda HirShabelle oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xalinta tabashada ay qabaan bulshada reer Hiiraan.
Barre ayaa ah Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna kamid ahaa saraakiishii uu shalay dalacsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-
MAHADCELIN IYO BALLANQAAD SHAQO
Anigoo ah Cabdullaahi Bare Cilmi, waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Hirshabeelle, gaar ahaan Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo ii magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Waxaan sidoo kale mahadnaq iyo qadarin gaar ah u jeedinayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, dhammaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qof kasta oo kaalin ka geystay magacaabistayda, garab istaaggayga iyo kalsoonida la ii muujiyey.
Magacaabistani waxay ii tahay masuuliyad culus iyo kalsooni weyn oo aan ka dareemayo waajibka ka saaran u adeegidda bulshada reer Hiiraan. Waxaan Alle ka baryayaa inuu igu garab galo gudashada waajibaadka xilkan, kana dhigo mid aan ku anfaco dadkayga iyo deegaankayga.
Waxaan ballanqaadayaa inaan si daacadnimo, cadaalad, wadajir iyo hufnaan ku dheehan tahay ugu shaqayn doono shacabka Gobolka Hiiraan, anigoo mudnaanta koowaad siinaya:
Dib-u-heshiisiinta: Xoojinta nabadda, isu-soo-dhoweynta bulshada, xalinta khilaafaadka iyo dhisidda kalsoonida bulshada dhexdeeda.
Amniga: Sugidda amniga, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta si Gobolka Hiiraan looga xoreeyo khatartooda.
Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha: Dhiirrigelinta dhismaha waddooyinka, adeegyada bulshada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah horumarka gobolka.
Horumarinta guud ee gobolka: Ka shaqaynta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta fursadaha dhaqaale iyo xaqiijinta horumar loo siman yahay oo gaara dhammaan degmooyinka Gobolka Hiiraan.
Waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo dhammaan qaybaha bulshada, isimada dhaqanka, culimada, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo hay’adaha kala duwan, si aan u gaarno Hiiraan nabdoon, midaysan oo horumar leh.
Ugu dambayn, waxaan mar kale u mahadcelinayaa Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka, Guddoonka Baarlamaanka iyo dhammaan intii kaalin ka qaadatay magacaabistayda.
Kalsoonidiinna waxaan uga jawaabi doonaa shaqo, daacadnimo iyo waxqabad muuqda.
Alle ayaa mahad oo dhan iska leh.
Cabdullaahi Bare Cilmi
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan
Dowladda Hirshabeelle
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan wuxuuna soo bandhigay shan qodob oo uu mudnaanta siin doono.
Qodobada muhiimka ah
- Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan.
- Wuxuu soo bandhigay shan qodob oo uu mudnaanta siin doono muddada uu xilka hayo: Dib-u-heshiisiinta, Xoojinta nabadda, Isu-soo-dhoweynta bulshada, Xalinta khilaafaadka iyo Dhisidda kalsoonida bulshada.
- Wuxuu u mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo caawa u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
- Mudane Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa ah Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna beddalayaa Muuse Salaad Wehliye.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ka imaanaya siyaasiyiin kale ama dhinacyo kale.
- Eedeymaha ku saabsan mudnaanta iyo mahadnaqa la muujiyay waxay ku saleysan yihiin kaliya hadallada Barre.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan magacaabista ama eedeymaha la sameeyay lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Magacaabista Cabdullaahi Barre Cilmi iyo mudnaantiisa la sheegay waxay saameyn ku yeelan karaan xasilloonida iyo horumarka gobolka Hiiraan.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee lagu xallinayo mudnaanta la sheegay?
- Sidee ayey bulshada deegaanka uga falcelin doontaa hogaaminta Barre?
- Maxay yihiin caqabadaha Barre filayo inta uu xilka hayo?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qodob · ballan · cusub
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada