Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan
Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, gaar ahaan colaadda u dhexeysa dad walaalo ah oo isku deegaan ah oo ka dhacday Degmada Jalalaqsi. “Dagaalka […]
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleed ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Maxaa la shaaciyey
- Guddoomiyaha ayaa ku baaqday in la joojiyo colaadda u dhexeysa dadka walaalo ah.
- Waxay ugu yeertay waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, iyo bulshada inay ka shaqeeyaan xal waara.
- Guddoomiyaha ayaa caddeysay in danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada ay ka muhiimsan yihiin wax kasta.
Macnaha guud
Dagaal beeleedyo ayaa dib uga soo cusboonaaday Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Degmada Jalalaqsi.
““Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan baaqyada nabadeed si loo xoojiyo nabadda iyo wadajirka bulshada.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, gaar ahaan colaadda u dhexeysa dad walaalo ah oo isku deegaan ah oo ka dhacday Degmada Jalalaqsi.
“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo. Waxa uu dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka,” ayay tiri Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.
Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu baaqday dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo bulshada Hirshabeelle inay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda, isla markaana loo helo xal waara oo nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka jira.
“Annaga oo ah Guddoonka Golaha Shacabka, waxaan caddeyneynaa inaan garab taagan nahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada shacabka deegaanka,” ayay hadalkeeda ku dartay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.