Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha oo Soo Xirtay Tababar Ku Saabsan Hirgelinta Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya – Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow, ayaa soo xiray tababar muddo shan maalmood ah socday, kaas oo ku saabsanaa hirgelinta Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya ee la ansixiyay sanadkii 2023. Tababarka oo ay ka qeybgaleen shaqaale iyo daneeyayaal ka socda hay’adaha gacanta ku haya xogta shakhsiga ah, […]
Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ayaa soo xiray tababar shan maalmood ah oo ku saabsan hirgelinta Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya.
Maxaa la shaaciyey
- Tababarka waxaa ka qeybgalay shaqaale iyo daneeyayaal ka socda hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
- Diiradda tababarka ayaa lagu saaray aasaaska asturnaanta xogta iyo waajibaadka hay’adaha maamula xogta.
- Maareeyaha Guud, Mudane Maxamed Nuur, ayaa ka codsaday ka qeybgalayaasha inay aqoontooda ku dabaqaan hay’adahooda.
“Aqoontii iyo xirfadihii ay ka kororsadeen tababarka ay ku dabaqaan hay’adaha ay ka socdaan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Tababarkan wuxuu muhiim u yahay hirgelinta sharciga dhowrista xogta, taasoo saameyn ku yeelan karta asturnaanta xogta dadweynaha.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow, ayaa soo xiray tababar muddo shan maalmood ah socday, kaas oo ku saabsanaa hirgelinta Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya ee la ansixiyay sanadkii 2023.
Tababarka oo ay ka qeybgaleen shaqaale iyo daneeyayaal ka socda hay’adaha gacanta ku haya xogta shakhsiga ah, oo ay ku jiraan Hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray aasaaska asturnaanta xogta, mabaadi’da dhowrista xogta, muhiimadda dhowrista xogta dadweynaha iyo waajibaadka saaran hay’adaha iyo shakhsiyaadka maamula xogta.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Maxamed Nuur, ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay in aqoontii iyo xirfadihii ay ka kororsadeen tababarka ay ku dabaqaan hay’adaha ay ka socdaan, si loo xaqiijiyo hirgelinta saxda ah ee Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, Dr. Xasan Maxamed Sayid, Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Dr. Axmed Khadar Jaamac, Drs. Aamina Xasan Xuseen, Xoghaye ku xigeen Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo madax kale oo ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii waddo qabashada tababarrada noocan oo kale ah, si daneeyayaasha kala duwan ugu hoggaansamaan ku dhaqanka iyo fulinta sharciga dhowrista xogta.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.