Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Koox Farsamo oo Lagu Xoojinayo Kaabayaasha Xargaha Badda Hoosteeda Mara
NAIROBI – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta qabatay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group – TWG), kaas oo ay ka qaybgalayaan shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka (I
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa daahfurtay Koox Farsamo oo lagu xoojinayo kaabayaasha xargaha badda hoosteeda mara.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ugu horreeya ee Kooxda Farsamada ayaa lagu qabtay Nairobi.
- Aqoon-isweydaarsiga ayaa soconaya laba maalmood, waxaana ka qaybgalaya shirkadaha isgaarsiinta iyo khubaro farsamo.
- Ujeeddada kulanka ayaa ah xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta kaabayaasha internet-ka xawaaraha sare leh.
“Xargaha badda hoosteeda mara waa laf-dhabarta isku-xirka dhijitaalka ah ee dalkeenna.”
Sababta ay muhiim u tahay: Kulankani wuxuu muhiim u yahay horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta Soomaaliya, taasoo saameyn ku yeelan doonta dhaqaalaha iyo helitaanka adeegyada internet-ka.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
NAIROBI – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta qabatay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group – TWG), kaas oo ay ka qaybgalayaan shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka (ISPs), iyo khubaro farsamo, si loo xoojiyo adkeysiga iyo horumarinta waarta ee kaabayaasha Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee Soomaaliya.
Aqoon-isweydaarsigan, oo soconaya laba maalmood, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adda, daneeyayaasha kale ee qaybta isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, kobcinta fahamka wadajirka ah ee caqabadaha horyaalla qaybta Xargaha Badda Hoosteeda Mara, iyo soo jeedinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga iyo isku halaynta kaabayaasha internet-ka xawaaraha sare leh ee dalka.
Inta uu socdo aqoon-isweydaarsigu waxaa diiradda lagu saarayaa maaraynta ciladaha xargaha ku yimaada, tartanka suuqa, horumarinta kaabayaasha, iyo hirgelinta qaab-dhismeedka sharciyeynta xeerarka lagu nidaaminayo Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee dalkeenna.
Aqoon-isweydaarsiga waxa sidoo kale lagu falanqeynayaa natiijooyinka warbixin dhowaan la diyaariyay oo ku saabsan suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, taas oo fursad u siinaysa daneeyayaasha inay xaqiijiyaan xogaha muhiimka ah isla markaana ay ka doodaan mudnaanta horumarinta mustaqbalka ee qaybta isgaarsiinta.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.