Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Radio Dalsangeneral

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6 Muqdisho, 10 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda Jamhuuriya, ayaa maanta si wadajir ah u qabtay aqoon-isweydaarsi ku saabsan Internet Baratakoolka Nooca Lixaad (IPv6), kaas oo ay ka soo qayb galeen bixiyeyaasha adeegyada internet-ka, jaamacadaha, xirfadlayaasha ICT-da, iyo daneeyayaa

SO
HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6
Sawir / xog muuqaal ah · Radio Dalsan

HIQ iyo Xarunta Qaran ee IPv6 ayaa aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6 ka qabtay Muqdisho 10 Juun 2026.

Maxaa la shaaciyey

  1. Aqoon-isweydaarsigan ayaa diiradda saaray mustaqbalka kaabeyaasha isgaarsiinta internet-ka iyo hirgelinta IPv6 ee Soomaaliya.
  2. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka harin isbeddellada teknoolojiyadda ee dunida.
  3. Eng. Maxamed Axmed Maxamuud ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay diyaarinta jiilka cusub ee xirfadlayaasha ICT-da.

Macnaha guud

Aqoon-isweydaarsigan ayaa ka dhacay xilli baratakoolka IPv4 uu ka yaraaday cinwaannada internet-ka, taas oo caqabad ku ah ballaarinta isku xirnaanta dhijitaalka ah.

Himiladeennu mar walba waxay ahayd in Soomaaliya aysan ka harin isbeddellada teknoolojiyadda ee dunida.

Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Eng. Maxamed Axmed Maxamuud
Muqdisho
2026-06-10

Sababta ay muhiim u tahay: Aqoon-isweydaarsigan ayaa muhiim u ah korriinka teknoolojiyadda iyo isgaarsiinta Soomaaliya, gaar ahaan hirgelinta IPv6.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Radio Dalsan

HIQ oo qaaday aqoon-isweydaarsi ku saabsan IPv6

Muqdisho, 10 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Xarunta Qaran ee IPv6, oo ay martigeliso Jaamacadda Jamhuuriya, ayaa maanta si wadajir ah u qabtay aqoon-isweydaarsi ku saabsan Internet Baratakoolka Nooca Lixaad (IPv6), kaas oo ay ka soo qayb galeen bixiyeyaasha adeegyada internet-ka, jaamacadaha, xirfadlayaasha ICT-da, iyo daneeyayaal kale, si looga wada hadlo mustaqbalka kaabeyaasha isgaarsiinta internet-ka iyo hirgelinta IPv6 ee Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya, iyadoo baratakoolka hadda la isticmaalo (IPv4) uu ka yaraaday cinwaannada internet-ka, taas oo caqabad ku ah ballaarinta isku xirnaanta dhijitaalka ah. IPv6 wuxuu bixinayaa cinwaan tiro aan la koobi karayn, waxaanu suurtagelinayaa korriinka teknoolojiyadda mustaqbalka sida waxyaabaha isku xira (IoT), ganacsiga elektaroonigga ah, iyo adeegyada bulshada ee casriga ah.

“Himiladeennu mar walba waxay ahayd in Soomaaliya aysan ka harin isbeddellada teknoolojiyadda ee dunida,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh. “Maanta waxa aynu qorshaynaynaa ma aha oo keliya baahiyaha internet-ka ee maanta jira, balse sidoo kale waxa aynu ka fikiraynaa sidii jiilasha mustaqbalka ay u heli lahaayeen teknoolojiyadda casriga ah ugana faa’iidaysan lahaayeen koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah.”

Isha: Radio Dalsan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Radio Dalsan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralipv6isweydaarsisaabsan
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.