Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo
BAYDHABO – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed. Guddoonka Baarlamaanka,, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, saraakiisha hay’adda
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.
Maxaa la shaaciyey
- Hoggaamiyaha ayaa safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho.
- Intii uu ku sugnaa Muqdisho, wuxuu la yeeshay kulamo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
- Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Macnaha guud
Hoggaamiyaha ayaa safar shaqo ku tagay Muqdisho si uu u xoojiyo xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, dardargelinta mashaariicda horumarineed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan dadaallada lagu xoojinayo horumarka iyo nabadda Koonfur Galbeed.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
BAYDHABO – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Guddoonka Baarlamaanka,, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, saraakiisha hay’addaha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ku soo dhoweeyey wafdiga Hogaamiyaha.
Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa kulamo miro-dhal ah la yeeshay madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safiirrada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.
Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, dardargelinta mashaariicda horumarineed, iyo sidii loo hormarin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee mudnaanta u leh bulshada ku nool deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.