Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo Madaxa WFP Soomaaliya oo ka wada hadlay dardargelinta gargaarka Koonfur Galbeed
Baydhabo, 22 Sebtembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ee…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Baydhabo, 22 Sebtembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo WFP, gaar ahaan xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed iyo baahiyaha dadka nugul.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay fududeynta iyo dardargelinta howlaha diyaaradaha WFP ee qaada raashiinka iyo agabka kale ee gargaarka, si loogu gurmado bulshada ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo iyo cimilada.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha gargaarka ay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda, si gargaarku si habsami leh, ammaan ah oo hufan u gaaro dadka loogu talagalay.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa WFP uga mahadceliyay taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ee u baahan gurmadka bani’aadantinimo.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed, WFP iyo hay’adaha kale ee bani’aadantinimada, si loo kordhiyo waxtarka gargaarka loona gaarsiiyo dadka ugu baahida badan.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · galbeed · wfp · hoggaamiyaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada