Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Diyaar-garowga Saamaynta El Niño
Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo ka Jawaabidda Saamaynta El Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay diyaar-garowga fatahaadaha iyo saameynta laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka El Niño, iyadoo la isla eegay qorshayaasha looga hortagayo iyo lagu yareynayo khataraha fatahaadaha, ilaalinta nafta iyo hantida bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka degdegga ah.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo diyaar-garowga, isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka, iyo in la diyaariyo agabka iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hoggaamiyaha · looga · garowga
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo Madaxa WFP Soomaaliya oo ka wada hadlay dardargelinta gargaarka Koonfur Galbeed
Goobjoog Somali
- Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Qaabilay Madaxa WFP ee Soomaaliya
Shabelle Media
- Soomaaliya iyo WHO oo xoojinaya u diyaar-garowga caafimaad ee khataraha El Niño
Goobjoog Somali