Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo
Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kaddib safar shaqo oo uu ku joogay Muqdisho. Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, waxaana soo dhoweynta ka qeyb galay mas’uuliyiin, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiyaha Gol

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kaddib safar shaqo oo uu ku joogay Muqdisho.
Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, waxaana soo dhoweynta ka qeyb galay mas’uuliyiin, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Mahad Maxamed Sheekh, ayaa Hoggaamiyaha warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in xaaladda amni ay wanaagsan tahay, isla markaana Khawaarijta dhawaan lagu gaarsiiyay jab xooggan.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay shacabka soo dhoweynta, wuxuuna ku bogaadiyay ciidamada iyo hay’adaha amniga dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada ku jira safafka Khawaarijta inay ka soo laabtaan fikirka qaldan, isla markaana dowladda isku soo dhiibaan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.