Ilhaan Cumar oo shaacisay in ay ka guureyso gurigeeda Washington DC + Sababta
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiIlhaan Cumar ayaa shaacisay inay ka guuri doonto gurigeeda Washington, DC, kadib markii baaritaan federaal ah uu abuurtay walaac dhinaca ammaanka ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ilhaan ayaa Arbacadii sheegtay in dareenka iyo hadal-heynta ka dhalatay baaritaanka ay ka dhigeen guriga meel aysan hadda ammaan ku dareemayn.
- Hay’adaha federaalka ayaa baaraya tuhun la xiriira khiyaano suurtagal ah oo lagu sameeyay dokumentiyada socdaalka ee qoyskeeda.
- Qof loo faahfaahiyay baaritaanka ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, in qaar ka mid ah ehelada Ilhaan loo diray amarro ay soo saartay xeerbeegti oo lagu dalbanayo xog ama markhaati.
- Ilhaan, oo Soomaaliya ku dhalatay balse heysata dhalashada Mareykanka, ayaa wareysigeedii ugu horreeyay tan iyo baaritaanka ku sheegtay inay ku kalsoon tahay in aysan wax khalad ah sameyn.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee la baarayo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ilhaan Cumar ayaa shaacisay inay ka guuri doonto gurigeeda Washington, DC, kadib markii wakiillo federaal ah ay baaritaan ku sameeyeen taas oo ku abuurtay walaac dhinaca ammaanka ah.
- Hay’adaha federaalka ayaa baaraya tuhun la xiriira khiyaano suurtagal ah oo lagu sameeyay dokumentiyada socdaalka ee qoyskeeda.
- Ilhaan ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in aysan wax khalad ah sameyn.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay ka guuri doonto gurigeeda Washington, DC, kadib markii wakiillo federaal ah ay baaritaan ku sameeyeen todobaadkii hore, taas oo ku abuurtay walaac dhinaca ammaanka ah.
Ilhaan ayaa Arbacadii sheegtay in dareenka iyo hadal-heynta ka dhalatay baaritaanka ay ka dhigeen guriga meel aysan hadda ammaan ku dareemayn.
Hay’adaha federaalka ayaa baaraya tuhun la xiriira khiyaano suurtagal ah oo lagu sameeyay dokumentiyada socdaalka ee qoyskeeda.
Qof loo faahfaahiyay baaritaanka ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, in qaar ka mid ah ehelada Ilhaan loo diray amarro ay soo saartay xeerbeegti oo lagu dalbanayo xog ama markhaati.
Ilhaan, oo Soomaaliya ku dhalatay balse heysata dhalashada Mareykanka, ayaa wareysigeedii ugu horreeyay tan iyo baaritaanka ku sheegtay inay ku kalsoon tahay in aysan wax khalad ah sameyn.
“Waxaan ku kalsoonahay xaqiiqda ah in aanan wax khalad ah sameyn,” ayay u sheegtay telefishinka MS NOW.
Waxay sheegtay inay 12 jir ahayd markii ay qoyskeeda kula timid Mareykanka, kadib markii magangelyo la siiyay. Shan sano kadib, sanadkii 2000, ayay qaadatay dhalashada Mareykanka.
“Waxay u baahan lahayd dadaal aad u weyn in 12 jir lagu soo oogo inuu si xeel dheer u khiyaanay hay’adaha socdaalka si uu Mareykanka ku yimaado,” ayay tiri.
“Waan hubaa inay jiraan carruur badan oo 12 jir ah oo maskax badan, laakiin taas waxay u muuqataa arrin aad loo fogeeyay.”
Guriga oo saacado la baaray
Ilhaan ayaa sheegtay inay abaare 6-dii subaxnimo ku toostay baarayaal ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha oo si xooggan albaabka u garaacayay, iyagoo watay waaran baaritaan.
Wakiillada ayaa guriga baarayay muddo u dhaxeysay afar illaa shan saacadood, waxayna la baxeen 17 agab, sida ay sheegtay.
Waxyaabaha ay qaateen waxaa ka mid ahaa taleefanno, buugaag xusuus-qor ah, buug carruureed oo af-Soomaali ku qoran iyo kamarad duug ah oo ninkeeda hadiyad ahaan loo siiyay.
Ilhaan ayaa sheegtay in wakiilladu si qoto dheer u baareen guriga, balse ay ahaayeen kuwo edeb leh. Waxay diiwaan geliyeen agabkii ay qaateen, halka waxyaabihii kale ay meeshoodii dib ugu celiyeen.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa faahfaahin kooban ka bixisay kiiska, iyadoo sheegtay oo keliya inuu yahay baaritaan dembiyeed. Ma aysan shaacin in Ilhaan lagu soo oogay wax dacwad ah.
Su’aalo laga keenay waqtiga
Ilhaan waa xildhibaan Dimoqraadi ah oo matasha gobolka Minnesota, waxayna muddo dheer si adag u dhaliishay Madaxweyne Donald Trump. Trump ayaa isaguna marar badan weerarro siyaasadeed ku qaaday Ilhaan.
Waxay sheegtay in baaritaanka lagu sameeyay gurigeeda wax yar ka hor doorashada dhexe ee 3-da November uu si weyn uga walaac geliyay.
Doorashadaas ayaa go’aamin doonta xisbiga maamuli doona Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka. Ilhaan waxay mar kale u tartameysaa degmo ku taalla Minneapolis oo taageero xooggan ay ku leeyihiin Dimoqraadiyiinta, waxaana si weyn loo filayaa inay kursigeeda sii haysan doonto.
Xildhibaannada Dimoqraadiga ayaa si adag u cambaareeyay baaritaanka, iyagoo su’aal geliyay sababta tallaabadan loo qaaday xilli doorashada ay toddobaadyo keliya ka harsan yihiin.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa taariikh ahaan ka taxaddari jirtay inay qaaddo tallaabooyin baaritaan oo muuqda oo la xiriira musharraxiinta xilliyada aadka ugu dhow doorashooyinka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ilhaan Cumar ayaa shaacisay inay ka guuri doonto gurigeeda Washington, DC, kadib markii baaritaan federaal ah uu abuurtay walaac dhinaca ammaanka ah. Baaritaankan wuxuu la xiriiraa tuhun la xiriira khiyaano ku saabsan dokumentiyada socdaalka ee qoyskeeda.
Qodobada muhiimka ah
- Ilhaan Cumar ayaa shaacisay inay ka guuri doonto gurigeeda Washington, DC, kadib markii wakiillo federaal ah ay baaritaan ku sameeyeen taas oo ku abuurtay walaac dhinaca ammaanka ah.
- Hay’adaha federaalka ayaa baaraya tuhun la xiriira khiyaano suurtagal ah oo lagu sameeyay dokumentiyada socdaalka ee qoyskeeda.
- Ilhaan ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in aysan wax khalad ah sameyn.
- Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa faahfaahin kooban ka bixisay kiiska, iyadoo sheegtay oo keliya inuu yahay baaritaan dembiyeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Faahfaahinta baaritaanka ayaa xaddidan waxaana inta badan laga soo xigtay hadallada Ilhaan Cumar.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Waaxda Caddaaladda Mareykanka oo ku saabsan eedeymaha gaarka ah ee Ilhaan Cumar.
Gunaanadka akhristaha
Ilhaan Cumar ayaa ka guuraysa gurigeeda Washington sababo la xiriira baaritaan federaal ah oo ku saabsan dokumentiyada socdaalka ee qoyskeeda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin eedeymaha gaarka ah ee la baarayo?
- Sidee baaritaankan u saameyn doonaa xirfadda siyaasadeed ee Ilhaan Cumar?
- Maxay yihiin tallaabooyinka kale ee hay'adaha federaalka ay qaadi doonaan kiiskan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · washington · ilhaan · cumar
Sii akhri
- Xukun kasoo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay
Hiiraanweyn
- Guddiga Golaha Shacabka oo Ka Dooday Xeerarka Xuquuqda Haweenka, Qoyska iyo Carruurta
Hiiraanweyn
- Qaar ka mid ah mucaaradka Xasan Shiikh oo taageeray doorashada dowladiisu ka qabatay Galmudug ee ay horrey u dhaliileen
BBC Somali