Xukun kasoo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay
Waxa dhacay
80 ilbiriqsiDable Bol.Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure 'Kaamil' ayaa loo soo xiray dilka taliyihii hore ee booliska sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kaasi oo gurigiisa lagu dilay labadii bishii Lixaad ee sanadkaan 2026.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Eedeysanaha koowaad Jamaal Xasan Cabdulle, ayaa ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee Janaraalka, waana wiilkii uu barbaariyey ilaa uu damiin kaga noqday, kana diiwaan geliyey ciidanka booliska Soomaaliyeed, tababar kadib, ayuuna usoo beddelay hoggaanka isgaarsiinta Booliska oo markaasi Janaraalka uu ka ahaa Taliye hoggaan, labo boqol mushaarka ciidanka ah iyo shan boqol oo gunno ah, ayaana u dhici jirtay eedeysanaha ilaa geerida Taliyaha.
- Muran ku saabsan lunsashada qoray AK47 ah oo uu ku qornaa marxuumka, Eedeysanahana uu gacanta ku hayey si ilaaliye ah, ayaa billowday, balse qorigii wuu iibsaday Jamaal, isaggoo lacagtii iibka saartay 1Xbet, taas ayaana keentay in Jamaal lagu war geliyo in uu kusoo laaban guriga isaggoo aan wadin qorigii dowladda laheyd.
- Kowdii bishii Lixaad ee Sanadkaan 2026, Jamaal oo aan looga baran in uu kasoo dib dhaco guriga, ayaa xilli dambe soo gurya noqday, waxaana ugu dambeyn uu ku kacay inuu dilo Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kadib seddex baalooto AK47 ah oo uu kaga dhuftay dhabarka dambe iyo gacanta.
- 2- Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa isna lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.
Sida ay sheegtay Hiiraanweyn
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu ka warbixinayaa go'aan sharci oo muhiim ah oo ku saabsan dilka sarkaal boolis sare, taasoo saameyn ku yeelan karta kalsoonida bulshada ee hay'adaha amniga.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay cadeymaha la soo bandhigay maxkamadda si loo taageero eedeymaha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dable Bol.Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure 'Kaamil' ayaa loo soo xiray dilka taliyihii hore ee booliska sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.
- Jamaal Xasan Cabdulle ayaa maxkamadu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.
- Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa isna lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Arbaco 21 Oct 2026 {HMC} Dable Bol.Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa loo soo Xiray Dilka Taliyihii hore ee hoggaanka isgaarsiinta iyo Tiknooljiyadda Booliska sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kaasi oo gurigiisa lagu dhex dilay labadii bishii Lixaad ee sanadkaan 2026.
Eedeysanaha koowaad Jamaal Xasan Cabdulle, ayaa ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee Janaraalka, waana wiilkii uu barbaariyey ilaa uu damiin kaga noqday, kana diiwaan geliyey ciidanka booliska Soomaaliyeed, tababar kadib, ayuuna usoo beddelay hoggaanka isgaarsiinta Booliska oo markaasi Janaraalka uu ka ahaa Taliye hoggaan, labo boqol mushaarka ciidanka ah iyo shan boqol oo gunno ah, ayaana u dhici jirtay eedeysanaha ilaa geerida Taliyaha.
Muran ku saabsan lunsashada qoray AK47 ah oo uu ku qornaa marxuumka, Eedeysanahana uu gacanta ku hayey si ilaaliye ah, ayaa billowday, balse qorigii wuu iibsaday Jamaal, isaggoo lacagtii iibka saartay 1Xbet, taas ayaana keentay in Jamaal lagu war geliyo in uu kusoo laaban guriga isaggoo aan wadin qorigii dowladda laheyd.
Kowdii bishii Lixaad ee Sanadkaan 2026, Jamaal oo aan looga baran in uu kasoo dib dhaco guriga, ayaa xilli dambe soo gurya noqday, waxaana ugu dambeyn uu ku kacay inuu dilo Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kadib seddex baalooto AK47 ah oo uu kaga dhuftay dhabarka dambe iyo gacanta.
Wax caawimaad ah uma fidin marxuumkii soo gacan qabtay, waxaana kasii darneyd inuu tir-tiray dhiigga & raadka cadeymaha, si loo marin habaabiyo baarista, shukumaan iyo garan uu lahaa marxuumka ayuuna u adeegsaday inuu ku masaxo, sidoo kale waxa uu tuuray fooqii rasaasta, waliba banaanka hore ee guriga sida laga arkay CCTV Camera ku xirneyd guriga marxuumka.
Eedeysanaha Labaad Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” Engineer IT Qorbe joog ah isticmaalayna aqoonsiyo & darajo ciidan oo been abuur ah, ayaa isna ahaa saaxiibka Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed tan iyo 2019, iyaggoo Kuwada joogay saaxiibtinimo salka ku heysa cilmi & farsamo shaqo, xiriirkaas, ayaana gaaray inay wada degaan hal guri.
Mustaf Kaamil ayaa, si gaar ah loogu eedeeyay gacansiin dembi, la shaqeynta eedeysanaha Koowaad Jamaal, Qarin faldembiyeed iyo caawin u fidin la’aan uu dilka kadib gudaha kusii jiray muddo 12 daqiiqo ah, sidoo kalana xaqiijiyey in banaanka uusan qof joogin, isaggoo saraakiishii timidna ku marin habaabiyay warbixin qaldan.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo tobankii Bishaan October 2026.
Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta oo ay taariikhdu tahay Labo iyo labaatanka Bisha October 2026 kiiskaan waxay kasoo saareen go’aan..
1- Ex- Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle ayey maxkamadu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.
2- Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa isna lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dable Bol.Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure 'Kaamil' ayaa loo soo xiray dilka taliyihii hore ee booliska sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kaasi oo gurigiisa lagu dilay labadii bishii Lixaad ee sanadkaan 2026. Maxkamaddu waxay Jamaal ku xukuntay dil toogasho, halka Mustaf lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.
Qodobada muhiimka ah
- Dable Bol.Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure 'Kaamil' ayaa loo soo xiray dilka taliyihii hore ee booliska sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.
- Jamaal Xasan Cabdulle ayaa maxkamadu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.
- Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa isna lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo jeediyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada maxkamadda ciidamada qalabka sida mana jiraan jawaabo ka yimid eedeysanayaasha.
- Faahfaahinta ku saabsan duruufaha dilka iyo baaritaanka waxay ku saleysan tahay kaliya warbixinta maqaalka.
Gunaanadka akhristaha
Maxkamaddu waxay bixisay xukun dil ah oo loogu talagalay hal qof iyo hal sano oo xabsi ah oo loogu talagalay mid kale kiiska dilka sarkaal boolis sare.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay cadeymaha la soo bandhigay maxkamadda si loo taageero eedeymaha?
- Ma jiraan wax kale oo sharci ah oo la filayo in kiiskan la sameeyo?
- Waa maxay saameynta go'aankan uu ku leeyahay ciidamada booliska iyo mas'uuliyaddooda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu ka warbixinayaa go'aan sharci oo muhiim ah oo ku saabsan dilka sarkaal boolis sare, taasoo saameyn ku yeelan karta kalsoonida bulshada ee hay'adaha amniga. Waxay muujinaysaa arrimaha mas'uuliyadda ee ku saabsan ciidamada booliska.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · gurigiisa · booliska · dilay