“Indhacadde haddii madaxweyne ku xigeen ka noqdo KGS wareer iguma hayso” sidaas waxaa yiri..
Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan isbeddellada ka socda magaalada Baydhaba iyo kuwa kale ee la filayo inay ka dhacaan…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan isbeddellada ka socda magaalada Baydhaba iyo kuwa kale ee la filayo inay ka dhacaan maamulkaasi.
Dalxa ayaa sidoo kale ka hadlay wararka maalmahan si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in Koonfur Galbeed markii ugu horreysay yeelaneyso Madaxweyne Ku-xigeen, ‘loona wado Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde)’.
Waxa uu sheegay inuu arkay dad ka qaylinaya joogitaanka Jeneraal Indhacadde ee magaalada Baydhaba iyo wararka sheegaya inuu qabanayo xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboledka Koonfur Galbeed, maadaama xogtaas ay si wayn ugu baahday internet-ka.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa tilmaamay in aanu wax dhib ah ku hayn haddii Indhacadde loo magacaabo xilkaasi, isaga oo xusay in dadka arrintaas ka cabanaya ay aragti ka duwan ka qabaan.
“Dadk qaylinaya ee dhahaya Indhacadde ayaa jooga Baydhaba, waana naqaanaa anigu u arko nin shaqsiyad xun, Madaxweyne Ku-xigeen hadii uu KGS ka noqdo wareer iguma heyso,” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli haatan magaalada Baydhaba ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbeddello la xiriira maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la hadal hayo qorshayaal cusub oo ku saabsan qaab-dhismeedka hoggaanka maamulkaasi.
Si kastaba, ha’ahaatee, Baydhaba ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad culus oo ka dhalatay dhawaan isbeddalkii ka dhacay magaaladaasi, taas oo u dhexeysa madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.
Labada dhinac ayaa marar kala duwan ku dagaalamay gudaha magaalada Baydhaba, taas oo keentay in xaalad amni ay gasho Koonfur Galbeed, iyada oo sidoo kale duqeymo xooggan ay ka dhaceen agagaarka Baydhaba.
The post “Indhacadde haddii madaxweyne ku xigeen ka noqdo KGS wareer iguma hayso” sidaas waxaa yiri.. appeared first on Caasimada Online .
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · madaxweyne · sidaas · wareer