Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxaya safar dibadda ah + Dalka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda gaaro magaalada New York ee dalka Mareykanka, si uu uga qayb-galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda gaaro magaalada New York ee dalka Mareykanka, si uu uga qayb-galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa kamid noqon doona madaxda dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee ka qayb-galaya kulamada iyo doodaha guud ee shirka, iyadoo sidoo kale la filayo inuu khudbad ka jeediyo madasha golaha guud.
Ajendaha khudbadda Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu uga hadlo xaaladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigi doona arrimaha la xiriira amniga, siyaasadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha uu ka hadlo horumarka ay Dowladda Federaalka sheegtay inay ka samaysay dhinacyada kala duwan iyo tallaabooyinka ay qaaday muddadii u dambeysay.
Inta uu ku sugan yahay New York, Xasan Sheekh ayaa fursad u heli doona inuu kulamo la yeesho madaxda iyo mas’uuliyiinta dalalka kale ee shirka ka qayb-galaya iyo saraakiisha hay’adaha caalamiga ah.
Kulamada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in looga hadlo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka, iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo taageerada caalamiga ah ee Dowladda Federaalka.
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sanad kasta magaalada New York ku martigeliya madaxda iyo wakiillada dalalka xubnaha ka ah ururka, kuwaas oo kaga hadla arrimaha caalamiga ah iyo xaaladaha dalalkooda.
Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qayb-galaya ayaa la filayaa inuu ka koobnaado xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin wasiirro iyo xildhibaanno, kuwaas oo Madaxweynaha ku wehlin doona safarkiisa New York.
The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxaya safar dibadda ah + Dalka appeared first on Caasimada Online .
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · sheekh · madaxweyne
Sii akhri
- “Indhacadde haddii madaxweyne ku xigeen ka noqdo KGS wareer iguma hayso” sidaas waxaa yiri..
Caasimada Online
- Mareykanka oo mar kale diiday fiisaha Falastiiniyiinta ka hor Shirka Guud ee Qaramada Moobay
Jowhar
- Soomaaliya oo soo gebagabeysay hawshii Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay
Goobjoog Somali