Iska hor-imaad ka dhacay koonfurta Gaalkacyo
Wararka ka imanaya koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhaawacantay iska hor-imaad galabta ka dhacay halkaas,… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Wararka ka imanaya koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhaawacantay iska hor-imaad galabta ka dhacay halkaas, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Galmudug iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Iska hor-imaadka ayaa yimid, kaddib markii ay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo degan duleedka magaalada Gaalkacyo ay la wareegeen gaari hub siday oo la sheegay in uu socday ciidamada federaalka ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Galmudug ayaa weli ka hadlin iska hor-imaadka ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo hubka soo galay dhankooda halka uu u socday.
Dhanka kale Puntland ayaa markale ku eedeeysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay hub ku soo daabulayso magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay sheegtay in uu khatar ku yahay amniga gobolka Mudug.
PUNTLAND POST
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · imaad · iska · hor