Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Israsaasayn ka dhacday kantaroolka bari ee Garoowe
Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland iyo ciidamo watay saddex gaari oo tikniko ah oo la sheegay in uu lahaa… Sii akhri
Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland iyo ciidamo watay saddex gaari oo tikniko ah ayaa isku rasaaseeyay kantaroolka bari ee magaalada Garoowe.
Maxaa la shaaciyey
- Israsaasaynta ayaa sababtay dhaawaca ilaa saddex ka mid ah ciidamada Maxamuud Mashruuc.
- Ciidamada Maxamuud Mashruuc ayaa dib u laabtay, iyaga oo dhaafiyay tuulada Sin-ujiif.
- Puntland ayaa saaka kantaroolka bari ee Garoowe gaysay ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska.
Macnaha guud
Israsaasaynta ayaa ka dhacday kantaroolka magaalada Garoowe, iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed.
“Israsaasaynta ayaa sababtay dhaawaca ilaa saddex ka mid ah ciidamada Maxamuud Mashruuc.”
Sababta ay muhiim u tahay: Arintani waxay muujinaysaa xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Puntland iyo saameynta ay ku leeyihiin amniga.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland iyo ciidamo watay saddex gaari oo tikniko ah oo la sheegay in uu lahaa siyaasi Maxamuud Mashruuc kana yimid gobolka Bari ayaa galabta isku rasaaseeyay kantaroolka bari ee magaalada Garoowe.
Israsaasaynta ayaa sababtay dhaawaca ilaa saddex ka mid ah ciidamada Maxamuud Mashruuc oo markii dambe dib u laabtay, iyaga oo la sheegay in ay dhaafeen tuulada Sin-ujiif ee gobolka Nugaal.
Siyaasi Maxamuud Mashruuc wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee hubaysan, islamarkaana xiriirka la leh dowladda federaalka Soomaaliya.
Puntland ayaa saaka kantaroolka bari ee magaalada Garoowe gaysay ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland, halka ay hore ciidamo u gaysay kantaroolada koonfureed iyo waqooyi ee Garoowe.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.