PSF oo sheegtay inay ka tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Puntland oo war kasoo saartayoo hawlgalkeedii Laag
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiPSF oo sheegtay inay ka tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Puntland oo war kasoo saartayoo hawlgalkeedii Laag Kadib iska hor imaad dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF ayaa labada dhinac waxay soo saareen hadalo ku aadan dagaalkii dhexmaray, iyaga oo sidoo kale eedo isku jeediyay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- BBC du waxay xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.
- Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.
- "Wuxuu ahaa hawlgal amni, mana ahayn hawlgal dagaal," ayuu yiri Cabdikhaaliq Awil.
- Sida uu sheegay, ciidamadu waxay isku dayeen inay la xiriiraan saraakiisha dhinaca kale, balse taa beddelkeeda waxaa bilowday rasaas socotay ilaa salaaddii subax.
Sida ay sheegtay BBC Somali

Qodobbada warbixinta
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
PSF oo sheegtay inay ka tirsan tahay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Puntland oo war kasoo saartayoo hawlgalkeedii Laag
Kadib iska hor imaad dhaxmaray ciidamada Puntland iyo ciidanka PSF ayaa labada dhinac waxay soo saareen hadalo ku aadan dagaalkii dhexmaray, iyaga oo sidoo kale eedo isku jeediyay.
BBC du waxay xiriir la sameysay labada dhinac, iyada si ay isugu daydo in ay wax ka ogaato waxa uu salka ku hayo isku dhacaan cusub.
Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF, Cabdikhaaliq Awil, ahna xogahaya guud ee ciidankaan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo ka tirsan PSF oo watay siddeed gaari ay aroornimadii Isniinta, iyagoo ku jira "hawlgal amni oo caadi ah", lagu hor istaagay deegaanka Laag oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jira magaalada Boosaaso.
"Wuxuu ahaa hawlgal amni, mana ahayn hawlgal dagaal," ayuu yiri Cabdikhaaliq Awil.
Sida uu sheegay, ciidamadu waxay isku dayeen inay la xiriiraan saraakiisha dhinaca kale, balse taa beddelkeeda waxaa bilowday rasaas socotay ilaa salaaddii subax.
Cabdikhaaliq Awil wuxuu sheegay "inaanay jirin askar ama dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay iska horimaadka", inta uu isagu og yahay, inkastoo BBC aysan si madax bannaan u xaqiijin karin sheegashadaas.
Dhanka kale, Puntland ayaa BBC-da u sheegtay inay ku ekaanayso war saxaafadeed ay hore u soo saartay .
War saxaafadeedkaas ayay Puntland ku sheegtay in ciidamadeedu ay "hawlgal amni oo qorshaysan" ka fuliyeen deegaanka Laag, isla markaana ay muddooyinkii dambe halkaas ka socdeen "falal amni darro iyo qalqal gelin."
Waxay kaloo sheegtay in hawlgalka lagu soo afjaray kooxo hubeysan oo "dhibaato ku hayay amniga, xasilloonida iyo nabadda Puntland."
Puntland waxay intaa ku dartay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan, hub iyo rasaas, isla markaana ay sii wadi doonaan hawlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga iyo xasilloonida.
Wareysiga BBC-da, Cabdikhaaliq Awil wuxuu diiday in PSF ay ahayd koox hubeysan oo falal amni darro waday.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- BBC Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · puntland · tahay · war
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada