Itoobiya iyo Eritrea iyo ciidamo soo dhoobay xuduudda iyo madaafiic la isku garaacay
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Itoobiya iyo Eritrea ayaa ciidamo tiro badan soo dhoobay xuduudda ay wadaagaan ee dhanka gobolka Tigray, taas oo sii xoojisay cabsida laga qabo inuu qarxo dagaal toos ah oo dhexmara labadan dal.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sida ay sheegeen hay’adaha la socda colaadaha ee ACLED iyo International Crisis Group, iyo weliba ilo ku dhow maleeshiyaadka taabacsan dowladda Itoobiya iyo kuwa mucaaradka ah ee Tigray, ciidamada labada dal ayaa hadda isku jira masaafo aad u dhow oo ay iska weerari karaan.
- Inkastoo wakaaladda wararka ee Reuters aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin iska horimaadyada la sheegay, haddana ACLED iyo ilo u dhow mucaaradka ayaa tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen dagaallo kooban, kuwaas oo noqonaya kuwii ugu horreeyay muddo ka badan bil.
- Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Itoobiya inuu wado “borobagaando” la xiriirta xaaladda xuduudda, balse si toos ah ugama uusan hadlin wararka ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ciidan iyo iska horimaadyada.
- Dhanka kale, afhayeenno u hadlay dowladda Itoobiya ayaan iyaguna wax jawaab ah ka bixin codsiyo la xiriira arrintan.
- Waxa weli aan caddayn
- Immisa ciidamo ah ayaa labada dal soo dhoobeen?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Itoobiya iyo Eritrea ayaa ciidamo tiro badan soo dhoobay xuduudda ay wadaagaan ee dhanka gobolka Tigray.
- Hay’adaha ACLED iyo International Crisis Group ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen dagaallo kooban.
- Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Itoobiya inuu wado “borobagaando” la xiriirta xaaladda xuduudda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya iyo Eritrea ayaa ciidamo tiro badan soo dhoobay xuduudda ay wadaagaan ee dhanka gobolka Tigray, taas oo sii xoojisay cabsida laga qabo inuu qarxo dagaal toos ah oo dhexmara labadan dal ee ay colaaddu soo jireenka ahi ka dhaxeyso.
Sida ay sheegeen hay’adaha la socda colaadaha ee ACLED iyo International Crisis Group, iyo weliba ilo ku dhow maleeshiyaadka taabacsan dowladda Itoobiya iyo kuwa mucaaradka ah ee Tigray, ciidamada labada dal ayaa hadda isku jira masaafo aad u dhow oo ay iska weerari karaan.
Inkastoo wakaaladda wararka ee Reuters aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin iska horimaadyada la sheegay, haddana ACLED iyo ilo u dhow mucaaradka ayaa tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen dagaallo kooban, kuwaas oo noqonaya kuwii ugu horreeyay muddo ka badan bil. Si kastaba, xubin ku dhow maleeshiyada taageerta dowladda ayaa beeniyay jiritaanka dagaalladaas.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Itoobiya inuu wado “borobagaando” la xiriirta xaaladda xuduudda, balse si toos ah ugama uusan hadlin wararka ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ciidan iyo iska horimaadyada.
Dhanka kale, afhayeenno u hadlay dowladda Itoobiya ayaan iyaguna wax jawaab ah ka bixin codsiyo la xiriira arrintan.
Warbixin ay soo saartay hay’adda ACLED habeenkii Talaadada ayay ku sheegtay in madaafiic iyo iska horimaadyo hubaysan ay ka dheceen nawaaxiga magaalada Badme tan iyo toddobaadkii hore, xilli ciidamada Itoobiya ay wadeen howlgallo ay fallaagada Tigray kaga sifeeynayaan aagga xuduudda.
ACLED ayaa xustay in 12-kii bishan November ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Itoobiya duqeeyeen fariisimo loo maleynayo inay leeyihiin ciidamada Eritrea oo ku yaalla agagaarka Badme, taas oo keentay in Eritrea ay madaafiic ku jawaabto, isla markaana maalintii xigtay ay labada ciidan ku dagaalamaan gudaha xuduudda dhanka Itoobiya.
Ilo ku dhow ciidamada Tigray Peace Force oo garab siiya militariga Itoobiya ayaa dhankooda sheegay in ciidamada dowladdu ay u ruqaansadeen dhanka xuduudda iyagoo baacsanaya fallaagada, balse aysan jirin wax iska horimaad ah oo dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea.
Magnus Taylor, oo ah falanqeeye ka tirsan International Crisis Group, ayaa isna ka digay in dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo fallaagada ee ka socda xuduudda uu faraha ka bixi karo. “Tani waxay Eritrea sii gelin kartaa dagaalka iyadoo garab siineysa Tigray-ga, waana xaalad khatar ah oo horseedi karta isku dhac toos ah oo dhexmara Itoobiya iyo Eritrea,” ayuu yiri Taylor.
Diblomaasiyiin iyo khubaro ayaa horay uga digay halistan tan iyo markii uu bishii September dib u qarxay dagaalka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo fallaagada Tigray.
Bishii October, goobjoogayaal iyo dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay ka soo tallaabeen xuduudda si ay u taageeraan fallaagada, iyadoo xilligaasna la soo wariyay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Itoobiya.
Asmara way beenisay arrintaas, waxayna Addis Ababa ku eedeysay inay raadineyso marmarsiinyo ay ku soo weerarto. Sidoo kale, Itoobiya ayaa dalalka Suudaan iyo Masar ku eedeysay inay taageeraan fallaagada, eedeymahaas oo ay dhammaantood iska fogeeyeen.
Itoobiya iyo Eritrea, oo wadaaga xuduud dhererkeedu ka badan yahay 1,000 kiiloomitir, ayaa sanadihii 1998-kii ilaa 2000 galay dagaal qaraar oo salka ku hayay lahaanshaha magaalada Badme, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof.
Inkastoo labada dal ay heshiis nabadeed saxiixdeen sanadkii 2018-kii, isla markaana ay iska garabsadeen dagaalkii sokeeye ee Tigray (2020–2022), haddana xiriirkoodu wuxuu si xawli ah u xumaaday wixii ka dambeeyay markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu bilaabay ololaha uu dalkiisa aan badda lahayn ugu raadinayo marin-badeed—tallaabo ay Asmara u aragto hanjabaad daandaansi ah, inkastoo Abiy uu ku doodayo inuu arrintaas u marayo waddo nabadeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Itoobiya iyo Eritrea ayaa ciidamo tiro badan soo dhoobay xuduudda ay wadaagaan ee dhanka gobolka Tigray, taas oo sii xoojisay cabsida laga qabo inuu qarxo dagaal toos ah oo dhexmara labadan dal. Warbixinno ayaa muujinaya dagaallo kooban iyo iska horimaadyo hubaysan oo ka dhacay aagga.
Qodobada muhiimka ah
- Itoobiya iyo Eritrea ayaa ciidamo tiro badan soo dhoobay xuduudda ay wadaagaan ee dhanka gobolka Tigray.
- Hay’adaha ACLED iyo International Crisis Group ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen dagaallo kooban.
- Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Itoobiya inuu wado “borobagaando” la xiriirta xaaladda xuduudda.
- Warbixin ay soo saartay hay’adda ACLED habeenkii Talaadada ayay ku sheegtay in madaafiic iyo iska horimaadyo hubaysan ay ka dheceen nawaaxiga magaalada Badme tan iyo toddobaadkii hore.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixinno ka yimid ACLED iyo International Crisis Group, kuwaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
- Eedeymaha Wasiirka Warfaafinta Eritrea lama jawaabin mas'uuliyiinta Itoobiya ee maqaalka ku jira.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan iska horimaadyada la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa korodhay, iyadoo dhaqdhaqaaqyo milatari iyo warbixinno dagaallo la sheegay ay muujinayaan khatar dagaal.
Waxa weli aan caddayn
- Immisa ciidamo ah ayaa labada dal soo dhoobeen?
- Maxaa la sameynayaa si loo yareeyo xiisadda?
- Sidee ayey bulshada caalamka uga falcelin doontaa khatarta dagaal?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · itoobiya · soo · xuduudda
Sii akhri
- Imaaraadka Carabta oo jawaab ka bixiyay eedeymaha Dowladda Soomaaliya
Shabelle Media
- Ciidamada Kenya ee nabad-ilaalinta oo ka qeyb qaadanaya dadaallada lagula dagaallamayo Ebola ee Jamhuuriyadda Congo
Shabelle Media
- Soomaaliya oo safiirka Imaaraadka siisay 72 saacadood inuu dalka kaga baxo
Shabelle Media